Buundada ugu dheer Yurub oo la burburiyay iyo Ruushka oo aargoosi ku hanjabay

Image

KYIV - Ukraine ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarki lagu qaaday buundada isku xirta gacanka Crimea iyo dhul weynaha Ruushka - oo ah khad sahayda muhiimka u mari jirtay Ciidanka Ruushka ee ku sugan Ukraine.

Buundada Kerch, oo dherer ahaan gaareysa 12 Mile, ayaa ah tan ugu dheer Yurub, waxayna muhiimad istiraatiiji u leedahay Ruushka.

Weerarkii Isniintii lagu qaaday buundada ayaa ahaa kii labaad tan iyo markii Ruushka uu bilaabay duulaanka uu ku qaaday Ukraine Feb 2022, kadib markii booyad shidaal ay ku qaraxday xilli ay ka gudbaysay bishii October.

Ilo ka tirsan waaxda amniga ee Ukraine ayaa CNN u sheegay in weerarkan uu ahaa mid ay iska kaashadeen ciidamada dhulka iyo kuwa badda ee Ukraine.

Wasiirka difaaca Ukraine ayaa sheegay in buundada ay garaaceen "diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kasoo kacay badda."

Labo qof ayaa ku dhintay weerarka, halka gabadhoodana ay ku dhaawacantay, sida ay sheegeen saraakiil uu Ruushka u magacaabay.

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa duqeynta ku tilmaamay "weerar argagixiso" wuxuuna wacad ku maray inuu ka aargoosan doono Ukraine. Waxa uu sidoo kale ku andacoodey in aysan jirin muhiimad ciidan oo lagu garaacay buundada.

Buundada ayaa halbowle u ahayd marinka sahayda gobolka Crimea si ay u hesho baahideeda maalinlaha ah iyo saadka ciidamada, marka lagu daro shidaalka iyo badeecadaha shacabka.

Ruushka ayaa dhisay buundada dhererkeedu dhan yahay 19 kiilo mitir, waxaana ku baxay lacag dhan $3.7 bilyan ka dib markii Moscow ay ka jartay Jasiiradda Crimea dalka Ukraine sanadkii 2014-kii.

Saacado ka dib qaraxyadii ka dhacay buundada, Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay heshiis suurtagelinayay dhoofinta qamadiga Ukraine, taasoo dhalisay cabsi laga qabo cunno yarida caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM