Cabsida cusub ee ku xeeran Trump markii uu kasoo baxay Isbitaalka

Image

WASHINGTON, US - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la shageeyaa in haatan laga bilaabo uusan fayraska corona dadka kale u gudbineyn, waa sida uu sheegay dhakhtarka gaarka ee Aqalka Cad.

Warbixintan Dr Sean Colney ee ku aaddan caafimaadka Trump ayaa ah warbixintii ugu horreysay tan iyo khamiistii.

Galinkii hore ee Sabtida ayuu madaxweynaha khudbad ka hor jeediyay taageeraayaalkiisa isagoo ku sugan Aqalka Cad.

Waxaa jiray walaac isa soo tarayay oo ahaa iney weli jirto khatarta ah in Trump uu fayraska corona u gudbinkaro dadka ka dib 3 maalmood uu isbitaalka ku jiray.

Warbixinta dhakhtarka ayaa lagu sheegay in baaritaannadii ugu dambeeyay ee muujinayeen in madaxweynaha uu ka sii yaranaayo fayraska.

Hase yeeshee warbixinta laguma sheegeen in gabi ahaanba xanuunka Covid-19 laga waayay madaxweyne Trump.

10 maalmood ka hor ayay ahayd markii ugu horreeysay ee Trump ka soo muuqdeen calaamadaha fayraska corona, waxaana maalin ka dib oo ahayd 2-dii bishan Octoobar la geeyay isbitaalka millatariga ee Walter Reed, halkaas oo muddo 3 maalmood ah lagu dabiibayay.

Ninka ay doorashada Nofeembar ay ku loollami doonaan waa Biden-e oo ka ololeeynayy Pennsylvania ayaa sheegay inuu u tacsiyeeynayo dhammaan qoysaskii fayraska ku waayay fayraska corona dartii.

Isaga oo sida oo kalena ballanqaaday inuu dib u dhisi doono dhaqaalaha isla markaana soo celin doono doorkii shaqaalaha Mareykanka. Khudbad uu u jeediyay xubnaha ururka shaqaalaha ayuu ka balan qaaday inuu abuuri doono malaayiin shaqooyin oo mushahar fiican bixiya.

Saadaasha doorashada ayaa muujineysa in Joe Biden uu ka horReeyo madaxweyne Trump waxaana xog uruurin ay sameeysay warbaahinta ABC lagu sheegay in boqolkiiba 35 dadka reer Mareykan ay dhaliilsan yihiin habkii Trump uu ula tacaalay fayraska corona.

In ka badan 214,000 oo reer Mareykan ah ayaa u geeriyootay fayraska corona, waana mid kamid ah wadamadda uu si baaxada leh u dhibaateeyay xanuunka, iyaddoo maamulka Trump uu ku noqdey mid lagu dhaliilo.

GO + BBC

Related Articles

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM

Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay laba nin u basaasayeen Sirdoonka Israel 

Xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay bishii Febraayo ee sanadkan 2026.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 09:35AM