Cadadka lacagta uu Donald Trump khasaaray Covid-19 dartiis oo la helay

Image

WASHINGTON, US – Wargeyska arrimaha dhaqaalaha ka faalooda ee Forbes ayaa soo bandhigay qiyaas la xiriirta hantida uu madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku waayey sababo la xiriirta fayruska Corona.

Sidda ku xusan warbixinta, Trump ayaa kahor aafadan caalamiga ah wuxuu haystay 2.1 bilyan oo Doolar, hase ahaatee, kadib Covid-19 wuxuu waayey hal bilyan taasoo ka dhigan in uu hadda haysto $1.1 bilyan.

Trump waa mid kamid ah ganacsatadda ugu waaweyn Ameerika, isagoo leh shirkado kala duwan halkaasoo ay lacagta kasoo gasho.

Wargeyska New York Times ayaa wariyey in Trump uu 15-kii sano ee lasoo dhaafay uu barnaamijyadiisa telefishinka, heshiisyadda ruqsadeysan iyo ganacsiyo kale uu ka sameeyay aduun dhan 427 milyan oo Doolar.

Jaraa'idka ayaa tibaaxay in madaxweynaha uuan canshuur bixin 10 kamid ah 15-kaas sano, "talaabadaas oo xadgudub ku ah sharciga dalka".

Majaladda ayaa intaas ku dartay in Trump uu 2018-kii khasaarey aduun dhan 47.4 milyan oo Doolar, wallow uu sheegtay dakhli dhan $434.9 milyan.

Eedeymahaan oo sanadihii ugu dambeeyay soo jirtay ayuu mar kale gaashaanka u daruuray Trump, kuna qeexay "been lasoo dhoodhoobay".

Dhaleeceymahaan ayaa kusoo hagaagaya xilli Mareykanka uu galayo doorasho aad isha loogu hayo isla markaana Jamhuuriyiinta iyo Dimuqraadiyadda ay si weyn ugu diyaar-garoobayaan sidii ay labinta u heli lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM

Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay laba nin u basaasayeen Sirdoonka Israel 

Xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay bishii Febraayo ee sanadkan 2026.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 09:35AM