Canada iyo Sacuudiga oo soo afjaray khilaaf ka dhaxeeyay tan iyo 2018-kii

Image
Xiisada ayaa markii ugu horeysay waxay ka dhalatay xariga dad u ololeeya xuquuqda aadanaha.

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya iyo Canada ayaa ku dhawaaqay inay dib u billaabayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, iyagoo soo afjaraya khilaaf xooggan oo ka dhaxeeay tan sanadkii 2018-kii.

Hadalo kala duwan oo ay soo saareen ayay labada dal ku sheegeen inay dib u soo celin doonaan heerkii ugu sareeyay ee xiriirkii diblumaasiyadeed ee soo jiray ka hor 2018-kii.

Sidoo kale labada dhinac waxay soo magacaabi doontaa safiir cusub. Sacuudiga ayaan weli ku dhawaaqin danjiraha matalaya, halka Canada ay magacawday Jean-Philippe Linteau, oo muddo dheer xubin ka ahaa Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Caalamiga ah.

Talaabadan ayaa waxaa keenay wadahadal dhex maray Ra'iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan intii lagu guda jiray Madasha Iskaashiga Dhaqaalaha ee Aasiya iyo Baasifigga (APEC) ee November.

Kanada oo sharaxaad ka bixinaysa sababta go'aankan dambe u qaadatay ayaa waxay soo xigatay "ixtiraamka labada dhinac iyo danaha guud" inay tahay dhiirigelinta xiriirka dib loo soo nooleeyay.

Xiriirka diblumaasiyadeed ayaa markii ugu horeysay burburay sanadkii 2018-kii markaasoo Sacuudi Carabiya ay xirtay dhowr haween ah oo caan ku ahaa difaacida xuquuqda aadanaha.

Haweenka la xiray waxaa ka mid ahaa Samar Badawi, iyo walaalkeeda, Raif Badawi, oo mucaarad ahaa, isna waagaas la xiray. Xaaskiisa iyo caruurtiisa ayaa u qaxay dalka Canada, halkaasi oo ay ka heleen dhalasho.

Xariga cusub ayaa dhaliyay fariimo xiriir ah oo baraha bulshada lagu taageerayo dhaqdhaqaaqayaasha, oo ay ugu horreyso wasiirka arrimaha dibadda Canada, ka dibna wasaaradda arrimaha dibadda lafteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM