Carro ka dhalatay telefishin u gufay ciyaaryahanad xijaab xiratay

Image
Qaar kamid ah dadka la falceliyey qoraalkan ayaa CNews waxa ay ka dalbadeen raaligelin buuxda.

TORONTO, Canada - Telefishinka Faransiiska ee CNews ayaa la kulmay dhaleeceyn xooggan kadib markii uu faafiyey hadallo  Islaam nacayb ah, sidda laga soo xigtey Daily Sabah.

Hadaladan ayuu ku beegsadey ciyaaryahanadda kubbadda cagta ee Morocco Nouhaila Benzina iyo go'aankeedii dhaxal-galka ahaa ee ahaa inay xidhato xijaabka inta lagu guda jiro Koobka Adduunka Haweenka ee 2023.

CNews ayaa waxa uu duray go'aanada Benzina. Hase ahaatee, Muslimiinta waxay uga falceliyeen si xooggan iyaga oo iska-diidey in xishoodka gabadha laga dhigo wax fool xun.

Qaar kamid ah dadka naqdiyey ficilka Telefishinka ayaa waxa ay dalbadeen in Tv-ga uu bixiyey raaligelin buuxda. Hase ahaatee, waxaa muuqanaysa in uusan wali u hogaansamin.

Ciyaaryahanada reer Morocco ayaa ​​taariikhda baal dahab ah ka gashay markii ay noqotey laacibadii ugu dambeysay ee Koobka Aduunka ku xiratay XIjaab taas oo horey aan u dhicin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM