Carruurta oo looga digay Isticmaalka Internetka

Image

Hay'adda dhallaanka adduunka ee UNICEF ayaa ugu baaqday shirkadaha dhanka tiknoolajiyada in ay qaadaan tallaabooyiin dheeraad ah oo da'yarta looga ilaalinayo waxyeelada internetka.

Hay'ada UNICEF ayaa sheegtay in maalin walba in ka badan 170,000 oo carruur ah ay markii ugu horeysay isticmaalaan internetka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay sare u kacday carruurta isticmaasha barahawax lagu qoro.

Hay'adda carruurta ayaa imika ku baaqaysa in sare loo qaado aqoonsiyada lagu hubiyo da'da dadka isticmaala internetka.

Warbixinta ay soo saartay UNICEF ayaa soo jeedinaysa in marka caruurta ay isticmaalayaan baraha bulshada ay shirkaduhu ay heerka ugu sareeya gaarsiiyaan ilaalinta macluumaadka gaarka ah ee carruurta.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM