Ciidamada Israel oo laba haween ah ku toogtay Daanta Galbeed
WEST BANK - Labo dumar ah oo falastiiniyiin ah ayay ciidamada Israa’iil siyaabo kala duwan ugu dileen daanta galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen booliska Israa’iil iyo warbaahinta rasmiga ah ee Falastiin.
Haweeney Falastiini ah ayaa ciidamada Israa’iil ku toogteen meel u dhow magaalada Beytlaxam, sida ay Axaddii sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin. Haweeneydan oo 40-sano jir ah ayaa geeriyootay kadib markii ay rasaas ku fureen ciidanka Israel, sida ay sheegtay wasaaraddu.
Waxaa magaceeda lagu sheegay Ghada Ibrahim Sabatien, waa hooyo carmal ah oo haysata lix caruur ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Falastiin ee Wafa.
Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadu ay rasaas digniin ah hawada u rideen markii tuhmanuhu u soo dhawaaday ka dibna “u toogteen dhinaca hoose ee tuhmanaha”, meel u dhow magaalada koonfureed ee Husan.
Dhanka koonfurta magaalada Hebron, haweeney kale oo falastiiniyiin ah ayaa toorey ku dhaawacay askari ka tirsan booliska xuduuda Israel ka hor inta aysan dilin ciidamada Israel, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay booliska Israel.
Askarta Israa’iil ayaa maalintii labaad bilaabay duullaan ku socda degmada Jenin ee daanta galbeed, halkaas oo ay deggan yihiin rag looga shakisan yahay in ay weerrar ku qaadeen magaaladda Caasimadda ah Tel Aviv.
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhaawacantay iska horimaadyo ka dhacay Jenin, iyo sidoo kale Jericho iyo Tulkarem.
24 qof ayaa lagu xiray magaalooyin kala duwan oo la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu shaaciyay ururka maxaabiista Falastiiniyiinta.
Hawlgalka milatariga ayaa yimid ka dib markii nin ka tirsan Jenin uu ku dilay saddex Israa'iiliyiin ah in ka badanna uu ku dhaawacay meel caan ah oo lagu caweeyo Tel Aviv.
Jimcihii, Israa'iil waxay sheegtay inay dishay ninka lagu eedeeyay weerarka, Raad Hazem, oo 28 jir ah.
Wadarta 14 qof ayaa lagu dilay afar weerar oo ka dhacay Israa’iil tan iyo 22-kii Maarso, oo ay ku jirto dhacdo kale oo toogasho ah oo ka dhacday Bnei Brak, oo ah magaalada Yuhuudda Ortodokska ee u dhow Tel Aviv.
Isla muddadaas, ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah ayaa la dilay.
Sabtidii, ciidamada Israa’iil iyo booliiska xuduudka ayaa dagaal culus ku dilay 25 jir Falastiini ah oo ka tirsanaa ururka Jihaad, oo ah dhaqdhaqaaqa hubaysan ee Falastiiniyiinta ah marka laga reebo Xamaas.
GAROWE ONLINE