Ciidamada Israel oo rasaas ku furay Falastiiniyiin dibadbaxayay

Image

Rabshado cusub ayaa maanta ka dilaacay dhowr magaalo oo ku yaalla dalka Falastiin kuwaasi oo billowday markii ay isku dhaceen dibadbaxayaal caraysan iyo ciidamada Israel.

Dibadbaxyada rabashadaha wata ayaa kala kala dhacay magaalooyinka Daanta Galbeed, Gaza iyo bariga Qudus, halkaasi oo tan iyo todobaadkii tagey ay ka socdeen isku dhacyo u dhaxeeya ciidanada Israel iyo Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israel ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaasha Falastiiniyiinta iyadoo ay dhaawaceen dhowr dhalinyaro ah, oo kamid ahaa dadka isagu soo baxay maanta salaadii jimcaha kadib wadooyinka Daanta Galbeed.

Warbaahinta dalka Falastiin ayaa xaqiijisay in ciidamada Yahuudda ay toogasho ku dileen hal nin oo Falastiini ah deegaanka al-Bireh, oo 15KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Qudus.

Rabshadaha ka socda Falastiin ayaa qarxay kadib markii Madaxweyne Trump uu 6-dii bishan ku dhawaaqay in Qudus ay tahay caasimadda Israel.

Trump ayaa go'aankiisa kala kulmay cambaareyn caalami ah, iyadoo dunida Muslim-ka ah ay ka socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo in Qudus loo gacan geliyo Yuhuudda.

Shir ay hogaamiyaasha Ururka Iskaashiga Islaamka ay ku yeesheen 13-ka bishan ayay uga hadleen arinta Qudus, waxayna ugu baaqeen Trump inuu ka laabto mowqifkiisa oo ay ku tilmaameen mid abuuri kara xasilooni darro gobolka bariga dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM