Ciidamada Yahuuda oo dad horleh ku laayay koonfurta caasimada Lubnaan

Image
Wakaaladda Wararka Qaranka Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymahan ay ahaayeen kuwa lala eegtay shacab.

DOHA, Qatar - Wakaaladda Wararka Qaranka Lubnaan (NNA) ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay saddex weerar ku qaadeen Haret Hreik oo ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda dalkaasi habeenimadii xalay, halkaas oo ay ku burburiyeen dhismayaal badan.

Weerarada waaberigii ayaa yimid xilli militariga Israa’iil ay sii wadeen duqeymaha ay ka geysanayaan koonfurta Lubnaan, iyadoo la sheegay in weeraro ay ka dhaceen Khiam, Jdeidat Marjayoun, al-Qalaa iyo Burj al-Muluk.

Horaantii, NNA waxa ay sheegtay in weerarradii Israa’iil dabayaaqadii Arbacadii ay dileen ugu yaraan shan qof ayna ku dhaawacmeen 23 kale oo ka dhacay Maarakeh.

Sagaal kale ayaa lagu dilay 65 kalena waa lagu dhaawacay Turos, sida la sheegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM