Ciidamada Yahuuda oo wiil dhalinyaro ah Falastiini toogasho ku dilay

Image
Isxaaq Xamdi Ajlouni, oo 17 jir ah, ayaa kahor inta aan la khaarijiyey xabadeeyay kontarool ciidan.

DOOXA, Qadar - Wiil dhalinyaro ah oo Falastiini ah ayaa dhiig bax u dhintay kadib weerar ka dhacay Koontoroolka ciidamada Qalandia ee Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wakaalada wararka Falastiin ee Wafa.

Isxaaq Xamdi Ajlouni, oo 17 jir ah, ayaa waxaa toogtay ciidamada Israel, ka dib markii uu rasaas ku furay koontaroolka Sabtidii, iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray askari ilaalo ahaa, sida ay sheegtay wakaaladda.

Guutada Shuhadada Al-Aqsa ayaa sheegtay in uu xubin ka yahay Aljouni. Kooxdu waa garabka hubaysan ee Fatah - dhaqdhaqaaqa maamulka Falastiiniyiinta, kaas oo u taagan bixitaanka Yahuuda.

"Dagaalyahannadeenna geesiyaasha ah… waxay awoodeen inay si toos ah u beegsadaan askarta [Israa'iil] ee ku sugan barta koontarool ee Qalandia," ayay Guutada Shuhadada Al-Aqsa ku sheegeen bayaan.

Booliska ayaa intaas ku daray in ninka dhalinyarada ah oo ka soo jeeda xaafadda Kufr Aqab oo dhanka waqooyi kaga beegan koontaroolka, uu toogashada u adeegsaday qoriga M-16.

Kontaroolka Qalandia ayaa ah albaabka ugu weyn ee ay isticmaalaan Falastiiniyiinta inta u dhaxeysa bariga Quddus ee la heysto iyo Ramallah, oo ah xarunta maamulka Falastiin ee Daanta Galbeed.

Rabshado ayaa hareeyay Daanta Galbeed usbuucii la soo dhaafay tan iyo markii ciidamada Israel ay gudaha u galeen xerada qaxootiga ee Jenin si ay u xiraan laba tuhmane Isniintii waxaana falkaas ka dhashay gadood ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM