Ciidamadda Israa'iil oo toogasho ku dilay shan Falastiiniyiin ah

Image
Kaliya sanadkan 2022, askarta Yahuuda ayaa Daanta Galbeed ee la haysto ku dilay 140 Falastiiniyiin ah.

LONDON, UK - Shan qof rag reer Falastiiniyiin ah ayay ciidamada Israa’iil siyaabo kala duwan ugu dileen Daanta Galbeed ee la haysto, sidda ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Saddex nin, oo ay ku jiraan laba walaalo ah oo da'doodu tahay 20-sano jir, ayaa la toogtay intii ay socdeen isku dhacyo habeen hore ay ciidamada Israa'iil kula galeen meel u dhow magaalooyinka Ramallah iyo Hebron.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in midkii afraad la toogtay ka dib markii uu gaarigiisa jiirsiiyay askari taasi oo dhaawac halis ah u geysatay. Midka shanaad ayaa la sheegay inuu dhintay ka dib iska horimaadyo ka dhacay meel u dhow Ramallah fiidnimadii.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in colaadda Israa’iil iyo Falastiin uu “mar kale gaaro heer aad u kulul” kadib markii ay sii kordheen rabshadaha ka socda Daanta Galbeed iyo Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaad ​​habeen walba waxa ay howlgalo baaritaan iyo qabqabasho ah ka sameeyaan Daanta Galbeed, halkaasi oo sanadkan lagu dilay ugu yaraan 140 Falastiiniyiin ah, oo inta badan ay geysatay rasaas ay Israa’iil ridayso.

In ka badan 30 Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay weerarro loo adeegsadey qori iyo mindi oo la sheegay in ay ka dambeeyeen shaqsiyaad Falastiiniyiinta.

Dhacdooyinka Talaadada maanta ah ayaa ku soo beegmaya shan maalmood ka dib markii weerarro bambaano ka dhaceen boosteejooyinka basaska ee duleedka magaalada Qudus ay galaafteen laba qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM