Ciidanka Giriiga oo rasaas ku furay markab uu leeyahay Turkiga

Image
Ankara ayaa xaqiijisay dhacdadan oo sarre u sii qaadeysa xiisadda ka dhaxeysa labadda dal.

ANKARA, Turkey - Maraakiibta ilaalada xeebaha Giriiga ayaa rasaas ku furay markab xamuul oo marayey biyaha caalamiga ah ee badda Aegean, taasoo sare u sii qaadeysa xiisadda kala dhexeysa Turkiga oo cirka isku shareertay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay toogashada ka dhacday meel 11 nautical miles (20km) koonfur-galbeed kaga beegan jasiiradda Bozcada ee dalka Turkiga Sabtidii, sida lagu sheegay war kasoo baxay ilaalada xeebaha Turkiga.

Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa xaqiijiyay inay "rasaas digniin ah" ku fureen markab "si shaki leh" ugu socday biyaha Giriiga ee ka baxsan jasiiradda Lesbos.

Kabtanka markabkan ayaa diiday in la baaro, waxaana markii dambe loo galbiyay biyaha Turkiga u dhow, sida ay sheegeen saraakiisha ilaalada xeebaha Giriiga, iyagoo xusay inay ku wargeliyeen maamulka badda Turkiga dhacdadan.

Goobtan ayaa caan ku ah maraakiib badan oo dadka tahriibayaasha ah ka keena dalka Turkiga ee u socda dalalka Midowga Yurub ee Giriiga iyo Talyaaniga. Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sheegay in ay si joogto ah u baarayaan maraakiibta sida shakiga leh ugu dhaqma badda Aegean.

Wadamada dariska ah ayaa waxaa ka dhex jiray murano dhowr iyo toban sano ah,waxana khilaafku uu soo xoogaysanayay todobaadyadii la soo dhaafay, iyada oo labada dhinacba ay ku andacoonayaan in lagu xad gudbay hawada. Saraakiisha Giriiga ayaa walaac ka muujiyay colaad kale oo ka dilaacday qaarada Yurub ka dib dagaalkii Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Ankara ayaa ku eedaysay Athens in ay "qabsatay" qaar ka mid ah jasiiradaha Aegean ayna ku dhibaataysay diyaaradaha Turkiga oo ay ku sugan yihiin habab difaaca S-300 oo Ruushku sameeyay. Athens ayaa beenisay sheegashada.

Giriiga ayaa sheegay in uu u baahan yahay in uu difaaco jasiiradaha bari, oo ay ku jiraan goobaha dalxiiska ee Rhodes iyo Kos, kuwaas oo aad ugu dhow Turkiga marka loo eego dhul weynaha Giriiga, kana soo horjeeda deriskooda weyn iyo kuwa militariga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM