Ciidamadda Ruushka oo "afduubtay" duq magaalo

Image
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay afduubka.

KYIV, Ukraine – Maamulka Ukraine ayaa ku eedeeyay ciidamada Ruushka inay afduubteen duqa magaalada Melitopol ee koonfurta bari ee dalka Ukraine, taasoo u gacan gashay ciidanka Ruushka.

Anton Heraschenko, oo ah la taliyaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine, ayaa sheegay in 10 askari ay galeen dhismaha xarunta maamulka Melitopol khamiistii, ka dibna ay afduubteen duqa magaalada Ivan Fedorov oo ay geeyeen meel aan la garanayn.

Kyrylo Tymoshenko, oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska madaxweynaha ee Kyiv, ayaa wadaagay muuqaalka waxa uu ku sheegay afduubkii Fedorov. Muqaalka ayaa muujinayay rag wajiyada soo duubtay oo nin kale kasoo saaraya dhismo.

Warbaahintu si madax banaan uma ay xaqiijin karin muuqaalka. Ma jiro wax faallo ah oo degdeg ah oo ka soo baxay Moscow oo ku saabsan masiirka Fedorov.

Farriin muuqaal ah oo uu soo diray goor dambe oo Jimcihii ah, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa cambaareeyay afduubka, isagoo ku tilmaamay Fedorov "Duq magaalo si geesinimo leh u difaaca Ukraine iyo xubnaha beeshiisa".

"Tani waxay caddahay in ay calaamad u tahay daciifnimada kuwa soo duulay," ayuu yiri. "Waxay u dhaqaaqeen marxalad cusub oo argagixisanimo taas oo ay isku dayayaan in ay meesha ka saaraan wakiilada maamulada sharciga ah ee Ukraine."

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa sidoo kale bayaan ay soo saartay ku cambaareysay afduubka, iyadoo sheegtay in dhacdadani ay la mid tahay dembi dagaal maadaama sharciga caalamiga ah uu mamnuucayo in dad rayid ah la afduubto inta lagu guda jiro dagaalka.

"Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka in ay si degdeg ah uga jawaabaan afduubka Ivan Federov iyo dadka kale ee rayidka ah, iyo in la kordhiyo cadaadiska Ruushka si loo joojiyo dagaalka bahalnimada ah ee ka dhanka ah dadka Ukraine."

Ciidamada Ruushka ayaa galay Melitopol maalintii labaad ee duulaankooda, 25-kii February, sida uu sheegay website-ka wararka ee Ukrayinska Pravda.

Weerarkii Ruushka ka dib, Fedorov ayaa hogaaminayay isu soo baxyo badan oo looga soo horjeeday duulaanka, sida ay sheegtay warbaahinta. Taas oo ay ku jirtay isu soo bax 2-dii March oo ay ka soo qayb galeen kumanaan qof.

5-tii Maarso, Ukrayinska Pravda ayaa soo warisay Fedorov isagoo sheegay in xaaladda magaaladu ay sii adkaanayso "cunto iyo dawo yaraan awgeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in maamulka Melitopol ay ka codsadeen ciidamada Ruushka in ay furaan marin bini'aadantinimo si ay ugu oggolaadaan dadka magaalada deggan, laakiin wuxuu sheegay in codsigaas la diiday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM