Cilaaqaadka Turkiga iyo Yahuuda oo galay mar-xalad cusub

Image
Ankara iyo Tel Aviv ayaa ku bilaabay hagaajinta xiriirka booqashooyin heer sare ah oo labada dhinac ah.

ANKARA, Turkey - Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadada maanta ah waxa uu warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Israa’iil u fadhin doona Turkiga, iyadoo labada dal ay caadi ka dhigayaan xiriirka ka dhexeeya afar sano oo xiriir ah.

Turkiga iyo Israa'iil ayaa ku bilaabay hagaajinta xiriirka booqashooyin heer sare ah sanadkan oo uu ku jiro safarkii madaxweynaha Israel Isaac Herzog ee Ankara. Waxay ku heshiiyeen in ay wada magacaabaan safiiro bisha Ogosto.

Ka dib markii ra'iisul wasaaraha Israel loo magacaabay Benjamin Netanyahu uu ku guuleystay doorashadii bishii hore, isaga iyo Erdogan waxay ku heshiiyeen "in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa marxalad cusub oo xiriir ah" oo ku saleysan ixtiraamka danaha labada dhinac.

Irit Lillian, oo ahaa masuulka Israel ee Ankara tan iyo Janaayo 2021, ayaa si rasmi ah waxa uu u noqday safiir ka dib markii uu warqadiisa kalsoonida u gudbiyay Erdogan.

Xiriirka ka dhexeeya Israel iyo Turkiga ayaa ahaa mid xun muddo ka badan toban sano, iyadoo Ankara ay eriday safiirkii Israel kadib markii 2010-kii Israel ay weerar ku qaaday markab gargaar oo kusii jeeday Gaza halkaasoo ku dhinteen 10 muwaadiniin Turkish ah.

Xiriirka diblumaasiyadeed ayaa dib loo soo celiyay sanadkii 2016-kii, balse labo sano ka dib Turkiga ayaa u yeeray safiirkiisii ​​Israel, waxayna eriday ergaygii Israel, markii ciidamada Israel ay dileen tiro Falastiiniyiin ah oo ka qeyb qaatay mudaaharaadyo ka dhacay Marinka Gaza.

Markii horeba waxa uu wajahayay dhaleecayn dhanka siyaasadda ah ka hor inta uusan xafiiska la wareegin, Netanyahu waxa uu wacad ku maray in uu maamuli doono dhammaan Israa’iiliyiinta xitaa isagoo madax ka noqon doona mid ka mid ah dowladaha garabka midig ee taariikhda dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM

Israel iyo Xamaas oo Gaadhay Heshiis Xabbad-joojin ah

Heshiiskan, oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Masar, iyo Qatar, ayaa…

  • Caalamka

    15-01-2025

  • 10:21PM