Cilmi-baarayaal Mareykan ah oo hindisay Kaniini joojin kara faafidda Kansarka

Image

WASHINGTON - Cilmi-baarayaal Maraykan ah ayaa soo saaray kaniini curyaaminaya unugyada kansarka oo ka ilaalinaya inay tarmaan kuna fidaan jirka. Kaniiniga la sameeyay ayaa bartilmaameedsada unugyada burooyinka kansarka, waana mid ka mid ah daawooyinka kiimikada ah.

Natiijooyinka daraasaddan, oo lagu daabacday joornaalka cilmiyeed ee Cell Chemical Biology, ayaa xaqiijisey in daawa la yiraahdo “AOH 1996” ay beegsato borotiinka kansarka oo awood u leh in uu abuuro unugyada burooyinka kaansarka isku badasha sida kuwa laga helo naaska, sambabada, iyo kansarka maskaxda.

Sida laga soo xigtay cilmi-baarayaal Maraykan ah, kadib tijaabooyin shaybaar oo la sameeyey, kaniinigan wuxuu awood u yeeshay in uu xakameeyo kobaca buurooyinka kansarka. isaga oo gabi ahaanba joojinayo kororka iyo faafidda kansarka iyada oo aan waxyeello taban ka soo gaareen bukaanka.

Diraasadahan oo galay heerarkoodii hore ee tijaabada ah ayaa lagu gaari karaa kacdoon caafimaad oo ku wajahan daaweynta kansarka, iyaga oo ka dhalan kara daawooyin ka hortagga faafitaanka cudurka Kansarka.

Sidaas darteedna ay yareeyaan dhibaatooyinka uu keeno ama khatarta ay ku hayso nolosha bini'aadamka, waxaa kale oo laga yaabaa in kaniinigani uu rajo dhab ah u noqdo bukaannada adduunka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM