Ciraaq: Dhulkeena waan ka saarnay Daacish

Image

BAQDAAD, Iraq- Ciraaq ayaa ku waramaysay in dhulkeeda ay ka saartay mallayshiyaad katirsan kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee loo yaqaano ISIS ama ISIL.

Sida uu ku waramay sarkaal sare oo katirsan ciidamada qalabka sida ee dalka Ciraaq oo lagu magacaabo General Abdul Ameer Rasheed Yarallah, wuxuu caqiijiyay in guud ahaan dalkaas laga saaray Daacish kadib markii ay gacanta ku dhigeen magaaladii ugu dambaysay ee ku taalay xuduuda ay la wadaagaan Siiriya.

"Dhammaan dhulka Ciraaq waa laga saaray kooxda argagixisada Daacish, sidoo kale ciidamadeenu waxay si buuxda gacanta ugu hayaan xuduuda caalamiga ah ee u dhaxaysa Suuriya iyo Ciraaq," Yarallah ayaa sidaas yiri.

General Yarallah, ayaa warkaan shaaciyay maanta oo Sabti ah, wuxuuna intaas ku daray in ciidamadoodu ay dib u hanteen goobihii ugu dambeeyay ee mallayshiyadaas kaga sugnayd xuduuda.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda iyo ururka Daacish taasoo ku saabsan warka uu sheegay General-ku.

Guushan ayaa timid xilli ciidamada Ciraaq oo garab ka helay isbahaysiga uu hogaaminayo Maraykanku dagaal adag la galeen ISIS oo gacanta ku dhigtay inta badan dhulka Ciraaq.

Tan iyo 2014-tii Daacish ayaa maamulaysay deegaano badan oo waddankaas kamid ah sida magaalada labaad ee ugu weyn Ciraaq (Mosul), taasoo sannadkan dib ugu noqotay gacanta xukuumadda Baqdaad.

Saddex sano iyo Bar ayaa labada dhinac dagaal ku dhexmaray gobollada kala duwan ee dalkaas, taaso markii dambe geentay guusha Ciraaq ay sheeganayso maanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM