Ciraaq: mileeshiyaadka Daacish oo qabsadey Ramadi

Image

May 18, 2015 (GO)- Mileeshiyada Daacish (IS) ayaa dagaal muddo labo maalmood ah socdey kaddib  la wareegey gacan ku haynta magaalada Ramaadi ee dalka Ciraaq.

Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka al-Anbar ayaa lagu sheegay in mileeshiyaadka IS si buuxda magaalada gacanta ugu dhigeen kadib markii ciidamada dowladdu baneeyeen fariisimihii ay magaaladaas kaga sugnaayeen.

Ka bixitaanka ciidamada Ciraaq ee magaalada Ramadi ayaa imaanaya maalin kaddib markii Ra'isal Wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-cabaadi ugu baaqey ciidamada inay ku negaadaan fariisimahooda iskana difaacaan weerarrada mileeshiyaadka Daacish.

Qabsashada Ramaadi ayaa dharbaaxo kulul ku ah dowladda Ciraaq islamarkaana noqoneysa guushii ugu horreysey ee ururka Daacish sanadkan ka gaaro dagaalka uu kula jiro ciidamada dowladda Ciraaq.

Sanadkii hore, kooxda Daacish waxay la waregtey gacan ku haynta magaalada Mosil oo iyadu ah tan labaad ee ugu weyn uguna dadka badan guud ahaan wadanka Ciraaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM