Ciwaanada Twitter-ka ee madax iyo maalqabeeno caan ah oo la jabsaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Baraha ay bogga Twitter-ka ku leeyihiin madax iyo maalqabeeno Mareykanka ah oo ay ku jiraan Barack Obama, Bill Gates, Joe Biden iyo shirkado waaweyn ayaa la jabsaday, saacadihii u dambeeyay.

Shirkadda Twitter-ka oo xaqiijisay dhacdooyinkan ayaa xustay in ay ka shaqeyneyso sidii ay dib ugu soo celin lahayd ciwaanadaas oo qaarkood lasoo dhigay fariimo, wallow kolkii dambe laga masaxay.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in kooxda ka dambeysay falkaan ay codsaneyso dhaqaale ay sheegeen in ay ugu deeqi doonan dad tabaaleysan, balse, illaa iyo hadda lama ogaan waxay yihiin.

Warbaahinta ayaa warineysa in weerarkan Internet-ka uu yahay mid abaabulan, inkasta oo aysan carabaabin cidda ka dambeysa, marka laga reebo in ay xuseen in ay ku lug lahaan karaan shaqaale Twitter ka tirsanaa.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in qaar kamid ah ciwaanada lagu guuleystay in dib loosoo celiyo, wallow uusan jirin war rasmi ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay shirkadda Twitter-ka iyo madaxdii lahayd barahaas.

Jabsashadda ciwaanada baraha bulshadda ayaa soo kordheysa sanadihii lasoo dhaafay, si gaara kuwa ay leeyihiin shaqsiyaadka caanka ah, waxaana ay qayb ka tahay loolanka ama hardanka hogaaminta tiknoolajiyada dunida.

Baraha bulshada ayaa sanadihii u dambeeyay kaalin weyn ku lahaa ololaha doorashada madaxtooyadda Mareykanka iyo qaar kamid ah wadamada caalamka, waana halka laga abaabulo isu soo baxyadda jamaahiirta siyaasiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM