Ciyaaryahan Oscar Pistorius oo shan sano lagu xukumay

Image
Image
Image
Image

October 22, 2014 (GO)- Maxkamad ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa shan sano oo xarig  ah ku xukuntay Oscar Pistorius oo ah ciyaaryahan isla dalkaas u dhashay kuna eedeysnaa in February 2013  diley gabar saaxiibtiis ahayd oo lagu magacaabi jirey Reeva Steenkamp.

Dhegeysiga dacwada Oscar ayaa soo socdey mudo dheer maadaama isagu ankiray in Reeva Steenkamp si ula kac ah u diley kuna dooday in gabadha uu toogtey isgoo u maleynayey tuug gurigiisa si qarsoodi ah kusoo galay, haseyeeshee maxkamadda ayaa ku qanci weydey is-difaaca ninkaas iyo cadeymaha uu maxkamadda hor keenay.

Qareennada Osar ayaa markii la xukumay kadib ku dooday in ninkani muddo intaas le'eg xabsiga kusii jiri karin maadaama uu yahay qof naafo ah oo ay labada lugood ka go'an yihiin nolosha xabsiguna ku adkaan doono.

Thokozile Masipa waa qaadiga maxkamada xukunkaas ridey, waxayna sheegtay in daryeel fiican xabsiga loogu sameyn doono, maadaama xabsiyada Koonfur Afrika leeyihiin qaybo loogu talo galay dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Xabsiga wuxuu ku jiri doonaa muddo toban bilood ah, isagoo intaas kadibna afarta  sano  ee u dhiman ku qaadan doona xabsi-guri laguna ganaaxay inuu u shaqeeyo dowladda isagoo qayb ka noqon doona shaqaalaha hay'adaha bixiya adeegyada bulshada.

Reeva Steenkamp oo markii la dilayey 30 jir ahayd, waxay ahayd gabar model ah (haweenka dharka xayeysiiya) mudo dheerna saaxiib la  ahayd ciyaar yahankan shanta sano lagu xukumay, waxaana sida xeer-ilaalintu ku dooday sababta dilkeeda keentay ahayd masayr.

Oscar Pistorius oo da'diisu 27jir tahay, wuxuu horay ugu guuleystey lix biladood oo dahab ah iyo afar maar ah kadib markii guul kasoo hoyey tartamada olombikada ee loo qabto dadka naafada ah (Paralympic Games) iyo tartamo kale oo qaaradda Afrika gudaheeda lagu qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo si kulul uga hadlay weerarada ka dhacay Lubnaan

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay falkan halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan labo kun ruux.

  • Caalamka

    18-09-2024

  • 10:36AM

Weerar Xooggan: Qalab Isgaarsiinta ay Hezbollah Isticmaashay oo Qarxay, Khasaare Badan oo Ka Dhashay

Sida la soo wariyey, weerarkan ayaa ka dhashay kadib markii sirdoonka Israa’iil ay farriin u direen…

  • Caalamka

    17-09-2024

  • 04:18PM