CNN oo shaqada ka eridey soo-jeediyaha Chris Cuomo kadib markii caawinaad siiyey Walalakiis

Image

CNN ayaa shaqada ka cayriyey wariye Chris Cuomo kadib markii uu caawiyay walaalkiis, gudoomiyihii hore ee New York Andrew Cuomo, xilli uu iska difaacyey eedeymo looga haystey dumaro uu dhibaatooyin u gaystey.

Go'aanka ayaa yimid markii CNN uu sheegay in macluumaad dheeri ah ay ka soo baxeen heerka uu gaarsiisan yahay ku lug lahaanshaha Chris Cuomo ee difaaca walaalkiis ka weyn.

Andrew Cuomo ayaa is casilay bishii Ogosto ka dib markii dacwad oogayaasha ay sheegeen inuu dhibaateeyay dumaro shaqaale ka ahaa xafiiskiisa .

Chris Cuomo, oo 51 jir ah, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu ka xun yahay go’aanka CNN, mana aheyn "sida aan doonayey in waqtigeyga CNN ku dhammaado".

Waxa uu Shabakadda ka shaqaynayey tan iyo 2013-kii, waxana uu noqday mid ka mid ah wariye-yaasha ugu caansan , isaga oo dhawaan hoggaaminayey tebinta CNN ee doorashadii madaxtinimada Maraykanka ee 2020-kii.

CNN ayaa Chris Cuomo horey shaqada uga  joojiyay Talaadadii kadib markii la ogaaday heerka ay gaarsiisan tahay dadaalkiisa ku aadan sidii caawinaad ugu fidin lahaa fadeexada loo haysto Walalakiis.

Shabakada ayaa sheegtey  in inkasta oo "ay qadarinayso baahida [Chris Cuomo] u qabo inuu qoyska siiyo muhiimada kowaad halka  shaqada ka dhigey midda labaad ", talada uu u soo jeediyay walaalkiis waxay ahayd mid uu ku jabiyey anshaxa saxafiga.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM