Codbixiyihii ugu horeeyay doorashooyinka Hindiya oo dhintey

Image
Shyam Saran Negi ayaa geeriyoodey saddex maalmood kadib markii uu ka coddeeyay doorashada gole degaan.

NEW DELHI, Hindiya - Ninkan lagu tilmaamay "codbixiyihii ugu horeeyey ee Hindiya" ayaa dhintay isagoo 105 jir ah, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Shyam Saran Negi ayaa loo maleynayaa inuu codeeyay markii India ay qabatay doorashadii ugu horeysay ee guud kadib markii ay xornimada ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska.

Mr Negi waxa uu u codeeyay doorasho kasta tan iyo markaas. Boqol-jirkan ayaa codkiisa dhiibtay saddex maalmood ka hor dhimashadiisa Sabtidii, doorashada golaha ee maamulkiisa Himachal Pradesh.

Horraantii todobaadkan, mas'uuliyiin ka tirsan guddiga doorashada ayaa rooga cas u goglay Mr Negi markii uu codkiisa ku dhiibtay boostada ka hor maalinta codbixinta ee 12 November.

Warbaahinta Hindiya ayaa ku warantay in ay ahayd markii ugu horeysay ee Mr Negi uusan tagin goobta cod bixinta sababo ku salka ku haya xaalad caafimaad darro awgeed.

Macallinka shaqada ka fariistay ayaa loo maleynayaa inuu yahay qofkii ugu horreeyay ee gobolkiisa furay goobo codbixineed horraantii 1951-kii iyo doorashadii 1952 si looga fogaado baraf badan.

Sannadkii 2014-kii, Mr Negi waxa danjiraha sharafeed u aqoonsadey guddiga doorashada si uu u dhiirri-galiyo cod-bixinta. Sidoo kale, waxaa sharaftey shirkadda Google.

Isagoo ka hadlayay isu soo bax doorasho Sabtidii, Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Mr Negi. Dawladdu waxay sheegtay in si heer qaran ah loogu aasi doono tuuladiisa Kalpa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM