​Colombia iyo Mucaaradka ELN oo heshiiyay

Image

Dhexdhexaadiyeyaasha ka socday mucaaradka Ciidamada Xoreynta Qaranka ee (ELN) ayaa sheegay in heshiis xabbad-joojin ku meel gaar ah ay la saxiixdeen dowladda Colombia.

Waa markii ugu horreysay ee labada dhinac ay xabbad-joojin gaaraan muddadii lagu guda jiray in ka badan 50 sano oo dagaal ah.

Hadalkan ayaa imaanaya wax ka yar 48 saac kahor booqashada lagu wado in Pope Francis uu ku tago dalka Colombia.

Madaxweynaha Colombia Juan Manuel Santos ayaa sheegay in heshiiskan uu dhaqan geli doono 1-da October uuna socon doono ilaa 12 January.

Qoraalka afka Spanish-ka ku qoran oo ay barta Twitter-ka soo dhigeen, ayay ELN ku sheegeen: "Haa waan awoodnay! Waxaan u mahad celineynaa dhammaan dadkii nagu taageeray inaan gaarno heshiiskan xabbad-joojin."

Dhanka kale, madaxweyne Santos ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay dhowridda muwaadiniinta, inta muddadan lagu jirana, afduubka iyo weerarrada lagu hayo dhuumaha shudaalka iyo tacaddiyada kale ee rayidka ka dhanka ahba aysan dhici doonin.

Dowladda ayaa dhankeeda la sheegay inay horumarin doonto xaaladda mucaaradka ELN ee xabsiyada ku jira iyo inay sare u qaaddo ammaanka hogaammiyeyaasha xuquuqda dadka u dhaqdhaqaaqa, kuwaas oo in badan oo ka mid ah la dilay bilooyinkii ugu dambeeyay.

Wada xaajoodyada ka dhacay caasimadda Ecuador ee Quito ayaa bilowday bishii February - bilooyin un kaddib markii dowladda Colombia iyo kooxdii mucaaradka ugu weyneyd dalkaas ee (Farc), ay heshiis nabadeed saxiixdeen. Farc ayaa kaddib isu beddeshay xisbi siyaasadeed.

BBC

Related Articles

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM