Congo-Brazzaville: haweenka Muslimka ah oo loo diidey niqaabka

Image

May 4, 2015 (GO)- Dowladda Congo-Brazzaville  ayaa haweenka muslimka ah ee dalkaas ku nool waxay ka mamnucdey inay xirtaan niqaabka (indho-shareerka) inta ay ku sugan yihiin goobaha caamka ah, sida suuqyada iyo goobaha tareennada laga raaco.

El Hadj Abdoulaye Djibril oo ah Guddoomiyaha Golaha Sare ee Muslimiinta Congo-Brazzaville ayaa u sheegay warbaahinta in go'aankaas isaga ah uu shaaciyey Wasiirka Arrimaha Gudaha,  Raymond Zephirin.

"waxaa nalagu soo wargeliyey in haweenka Muslimiintu niqaabka  xiran karaan keliya marka ay joogaan guryahooda ama goobaha cibaadada, laakiin goobaha caamka ah sida suuqayada aan loo oggoleyn inay ku xirtaan" ayuu yiri.

Dowladda Congo-Brazzaville ayaa tallaabadan ku micneysey mid la xiriirta sugidda amniga, maadaama ay suurogal tahay inay niqaabka adeegsadaan xubno ka tirsan argagixisada oo nabadgelyada halis gelin kara.

800,000 (siddeed boqol oo kun) oo Muslimiin ah ayaa ku nool Congo-Brazzaville, kuwaaso qayb ka ah guud ahaan dadka dalkaas oo ay tiradoodu gaareyso lix milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM