Coronavirus oo saf-ka-maray qoyska ugu caansan Bollywood-ka Hindiya

Image

NEW DEHLI, India – Jilaayaal caan ka ah shabakada Bollywood-ka Hindiya isla markaana hal qoys kawada tirsan ayaa laga wada helay safmareenka sidda fudud u faafa ee fayruska Corona.

Qoyskaan oo loo garan og-yahay 'qoyska koowaad ee Bollywood-ka' ayaa ah reer Bachchan, waxaana hormuud u ah Amitabh Bachchan oo Soomaalida u taqaano Cali Dheere.

Amitabh, wiilkiisa Abhishek, xaaskiisa Aishwarya Rai, iyo gabadheeda oo 8-sano jir ah ayaa muddo 24-saac gudaheeda ah waxaa la xaqiijiyey in uu soo ritay xanuunkan.

Xilli sodogeeda iyo seygeeda la dhigay Isbitaal, dhakhaatiirta ayaa sheegay in Aishwarya Rai iyo Inanteeda Aaradhya Bachchan ay baaqi kusii ahaan doonan gurigooda.

Nasiib wanaag, waxaa cudurkan dilaaga ah laga waayey Jaya, oo ah xaaska Amitabh, odayga reerka oo xaaladiisa caafimaad laga dayrinayo lana dhigay Isbitaalka.

Jaya oo dhankeeda ah atiirashad ama jilaa aflaan badan kasoo dhex-muuqatay ayaa hal jeer noqotay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka India.

Kiisaska Covid-19 ee India ee la xaqiijiyey ayaa ka badan 850-kun, iyaddoo kaliya shalay la diiwaan-geliyey 28,637; bogsashada waxay kor-u-dhaafeysaa 535-kun, iyo 22,674 dhimasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM