Covid-19 oo dilay tirro ka badan Ameerikaanka ku dhintay WW1

Image

WASHINGTON, US – Safmareenka Coronavirus ayaa dilay in ka badan dadka Mareykanka uga geeriyooday dagaalkii koowaad ee aduunka, sidda ku xusan warbixinta Jaamacadda Johns Hopkins.

Tiradda guud ee geerida Covid-19 ee Mareykanka waxay mareysaa in ka badan 119-kun; sarre u kaca waxaa loo aaneeyay markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay dhinteen in ka badan 400.

Kiisaska ayaa ka badan laba milyan oo ruux, halka bogsashaddana ay ka badan 680 oo bukaan; isbedel ku yimaada tiraddan waxaa la filan karaa saacad walba, maadaama khatarta ay wali jirto

Sidda ay muujineyso xogta maalinlaha ah, Mareykanka ayaa maalin walba isku-cel-celis ahaan wuxuu diiwaan-geliyaa in ka badan 22-kun oo ah kiisas cusub.

Mareykanka ayaa dagaalkii labaad ee dunida waxaa kasoo gaarey 116,516 oo dhimasho ah, halka la qiyaasayo in 320,000 kalana ay ku xanuunsadeen isla markaana qaarkood ay ku naafoobeen.

Dhanka kale, qaar kamid ah ismaamulada Mareykanka ayaa ka fekeraya in ay dib u furaan isu socodka iyo ganacsiga xilli ay jirto kala qeyb-sanaan ku aadan in halista ay wali jirto iyo in ay suushay.

Covid-19 oo kasoo bilowday bartamaha Shiinaha ayaa wali loo baadigoobayaan daawo iyo talaal rasmi ah oo looga hortagayo, waxaana mashruuca soo saaritaanka hogaamineysa hay'adda WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM