Croatia oo si buuxda ugu biirtey ururka Midoowga Yurub

Image
Croatia oo ay ku noolyihiin 3.9 milyan oo qof ayaa horey uga tirsanaan jirey jamhuuriyaddii weyneyd ee Yugoslavia.

PARIS, France - Croatia ayaa qaaday labadii talaabo ee ugu dambeysey ee sida buuxda uu biireysay Midoowga Yurub, waxa uu noqdey dalkii 27-aad ee xubinta ka noqday Midoowgan.

Talaabooyinkan ayaa kala ah qaadashada iyo dhaqan-gelinta lacagta Euro, iyada oo meesha laga saaray lacagtii hore ee Kuna ee dalkaasi adeegsanayay.

Waxa kale oo uu dalkani qeyb ka noqday nidaamka dal-ku-galka xeendaabka balaaran ee Schengen loo yaqaano, kaas oo sanadkii 40 milyan oo qof ay si fudud isaga gudbi karto dalalka Yurub iyaga oo haysta hal fiiso oo keliya.

Croatia oo ay ku noolyihiin 3.9 milyan oo qof ayaa horey uga tirsanaan jirey jamhuuriyaddii weyneyd ee Yugoslavia, taas oo u kala qeybsantay 6 jamhuuriyadood oo yaryar. Waxa ay Yurub ku biirtay sanadkii 2013-kii, balse tallaabooyinkan dhamaystirka ah ayaa qaatay muddo dheer.

Madaxa Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa xudduuda Croatia iyo Slovenia kula kulantay labada mas’uul ee dalalkan ugu sareeya, waa Ra'iisul Wasaaraha Croatia, Andrej Plenkovic iyo madaxweynaha Slovenia, Natasha Musar.

Ursula ayaa sheegtay in tani tahay biloow cusub oo aad loogu farxo. In Croatia ay qaadato lacagta Euro ayaa la sheegay in ay ka difaaci doonto in uu dalkaasi ka dhoco sicir barar culus xilli dhibaatooyinka ka dhashay dagaalka Ruushka ee Ukraine uu saamayntiisa yeeshay.

Madaxweynaha waddanka Faransiiska Macron ayaa isna soo dhoweeyay qaadasha lacagta Yurub ee ay qaadatay Croatia, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo sal adag leh oo horey loo qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM