Da'da muwaadiniinta Kuuriyada Koonfureed oo la yareynayo

Image
Ilmaha ayaa haddii tusaale ahaan ay dhashaan Diseembar 31-geeda, waxuu maalinta xigta ee Janaayo jirayaa labo sano.

LONDON, UK - Haddii la ansixiyo hindisaha uu hor kacayo madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol ayaa waxaa la filayaa in la bilaabo qorsho lagu yareynayo da’da u diiwaan gashan muwaadiniinta u dhashay dalkaas iyadoo laga jarayo da’dooda hal iyo illaa labo sano.

Suk Yeol oo xafiiska la wareegi doona bisha soo socota ayaa ballan qaaday inuu baabi’inayo habka gaarka ah ee uu dalkiisa u xisaabiyo da'da. Sida uu qabo sharciga dalkaasi, caruurtu ayaa marka ay dhashaan waxaa da'dooda laga bilaaba hal sano, taas oo ka dhigan in qof kasta hal sano oo dheeraad ah ay la socoto da’diisa.

Tusaale ahaan, ilmuhu marka uu dhasho, waxaa da'diisa loo diiwaangeliyaa hal sano jir, iyada oo ay u raacayso bilaha uu ka dhashay sannadkaas. Marka la gaadho bisha Janaayo 1-deeda waxaa ilme kasta u bilaabma sannad cusub oo kale oo da'diisa loo tirinayo.

Ilmaha ayaa haddii tusaale ahaan ay dhashaan Diseembar 31-geeda, waxuu maalinta xigta ee Janaayo jirayaa labo sano. Nidaam xisaabeedka da'da ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ka dhigan in qofka u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed inuu hal sano ka weyn yahay qofka ay isku sannadka iyo bisha dhasheen ee ku nool meel kale oo dunida ah.

Haddii la ansixiyo hindisahan lagu tirtirayo sharcigaas, waxaa dadka u dhashay Kuuriyada Koonfureed, loo xisaabinayaa sannadaha rasmiga ah ee ay jiraan, iyada oo laga jarayo sannadka dheeraadka ah.

Hab xisaabeedkan da’da ee ku salaysan dhaqanku waa mid si weyn looga isticmaalo wadamada bari ee qaaradda Asia balse dalalkaas kale badankooda ayaa mar hore qaatay hannaanka caalamiga ah ee loo xisaabiyo da’da.

Illaa iyo hadda ma cadda meesha ay ka timi hab-xisaabeedkan da'da, waxaase jirta hal aragti oo sheegaysa in nidaamkan loola jeedo in la aqoonsado nolosha ilmaha ee xilligii uu uurka ku jiro, halka qaar kale ay sheegaan in nidaamkani uu ka soo jeedo xilliyo hore oo aanay tirada ku jirin eber sidaas awgeed laga bilaabi jiray hal iyo wixii ka sareeya.

Kuuriyada Koonfureed ayaa marar kala duwan isku dayday in ay hannaankan baabi'iso hase ahaatee uma suuro gelin waxayna abuurtay jahawareer. Sanadihii la soo dhaafay, shacabka Kuuriyada Koonfureed waxay si isa soo taraysa u taageerayeen fududaynta nidaamka xisaabinta da'da.

Inkasta oo dadka ka soo horjeedaa ay ku doodayeen inay tallaabadani abuuri karto jaha-wareer iyo arrimo ka dhan ah dhaqanka iyo caadada soo jireenka ah ee bulshadaasi.

Daraasad uu sameeyey machadka Honkook Research ayaa 71% bulshada ku dhaqan dalka Kuuriyada Koonfureed waxay taageereen in la baabi’iyo nidaamka xisaabinta da’da ee ku salaysan dhaqanka.

Waalidku ma jecla in caruurtoodu dhashaan sannadka dhammaadkiisa, iyada oo ay ugu wacan tahay, in caruurtooda oo da’doodu yartahay ay fasal la fadhiisan doonaan caruur ka waaweyn, maadaama ilmaha loo xisaabinayo inuu laba sano jiro, marka uu dhashaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM