Daacish oo sheegatay weerar uu gaystay qof Somalia ah

Image

Ururka Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay magaalada Melbourne ee dalka Australia, kadib markii nin dhalinyaro ah oo Somalia ah uu afduub iyo dil ka gaystay gudaha magaalada.

Ninkan oo lagu magacaabo Yacquub Khayre, ayaa weerarka ka gaystay gudaha magaalada Melbourne kahor intaysan toogan ciidamada Booliiska.

Khayre, ayaa ka hor intaan la toogan iska caabin ku sameeyay ciidamada Booliiska, waxaana is-rasaasayn dhexmartay ku dhaawacmay saddex Askari.

Yacquub Kheyre ayaa la sheegay in sanadkii 2009 loo xiray eedeymo ah in uu qorsheynayay weerar ka dhan ah xero milatari oo ku taala magaalada Sydney balse markii dambe dambi lagu waayay.

Taliyaha booliska gobolka Victoria, Graham Ashton, ayaa sheegay in Kheyre uu telefishin magaaladaasi ku yaalla uu taleefoon kula hadlay, isaga oo u sheegay in weerarkaasi uu ku matalayo kooxda Dowladda Islaamka.

Ururka Daacish ayaa qoraal uu saaray ku sheegay in tallaabadan qaadeen maadama Australia ay xiriir la leedahay dowladda Maraykanka islamarkaana kala shaqaynayso dagaalka Daacish.

Ninkan Somaliga ah ayaa ka hor intuusan weerarka fulin taleefon kula hadlay telefishin dalkaas ku yaalla, wuxuuna tilmaamay inuu falkan uu ku matalayo ururka Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM