Daacish oo sheegtay in ay saraakiil ku dishay dalka Isra’iil

Image
Taliye ku-xigeenka booliska gobolka, Dudu Boani, ayaa sheegay in raggii weerarka soo qaaday la toogtay.

TAL AVIV, Israel - Wararka ka imaanaya magaaladda Hader ee dalka Isra’iil ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay sheegteen mas’uuliyadda weerar toogasho ah oo ka dhacay waqooyiga dalkaas kaas oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis ah.

Bayaan lagu baahiyey Website-ka faafiya dacaayadda kooxda ee Amaq ayaa  lagu yiri, “Weerar toogasho ah ayaa laba xubnood oo ka tirsan booliska dalka Isra’iil lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay.”

Daacish ayaa inta badan sheeganin weerarada ka dhaca gudaha dalka, balse haatan sheegtay in laba ka mid ah dagaal-yahanadeeda ay fuliyeen weerar toogashada ah oo Axaddii ka dhacay waddada Herbert Samuel ee magaalada Hadera ee waqooyiga dalka, 10 kalana lagu dhaawacay iskudhac xigay toogashada.

Sida ay ku warrantay kooxda sirdoonka ah ee SITE, weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo sanaddii 2017 oo kooxda Daacish si rasmi ah u sheegato kaas oo ka dhacay gudaha Isra’iil.

Weerarkan dhimashada leh ayaa yimid ayada oo wasiiraha arimaha dibadda afar dal oo Carab ah iyo xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ay isugu yimaadeen koonfurta Isra’iil halkaasna ku yeesheen kulan aan caadi aheyn.

Taliye ku-xigeenka booliska gobolka, Dudu Boani, ayaa sheegay in raggii weerarka soo qaaday la toogtay.

Maamulka Daacish oo xukumayey malaayin qof oo ku nool qeybo badan oo ka mid ah Syria iyo Iraq ayaa si rasmi ah loogu dhowaaqay in laga adkaaday 23-kii March 2019.

Hase ahaatee, Daacish ayaa weli weeraro ka fuliso meelo badan oo caalamka ka mid ah.

Daacish horaantii bishaan xaqiijisay geerida hoggaamiyaheeda Abu Ibrahim al-Qureeshi ayadoona u magacowday in uu Beddelo Abu Hasan al-Hashemi al-Qureeshi.

Weerarkan ayaa muujinaya in dhimashadii hogaamiyehoodi aysan u keenin wax dib u dhac ah, awoodda ay caalamka ku leeyihiinna aysan marnaba wiiqmin.

Daacish ayaa ka mid ah maleeshiyaadka hubeysan ee ka dagaalama Soomaaliya ayagoo maalmo uu xirnaa suuqa weyn Bakaaraha ka dib markii ganacsatada diideen in ay bixiyaan lacag canshuur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM