Daacish oo weerar ka fulisay Caasimada Afghanistan

Image

KABUL - Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar maanta ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan.

War qoraal ah oo lagu baahiyay wakaaladda wararka Daacish Amaq News Agency ayaa lagu sheegay in 2 kamid ah dagaalyahanadeeda ay fuliyeen weerarka oo lala eegtay xarun militariga lagu tababaro.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in 5 nin oo hubaysan ay galeen gudaha xarunta ciidan, halkaasi oo iska caabin kala kulmeen ciidamada qaranka.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka magaalada Kabul.

Iska hor-imaad saacado qaatay ayaa dhex maray ciidanka iyo kuwa weerarka kusoo qaadey, waxaaan saraakiisha amniga ay xaqiijiyeen in la dilay dagaalyahanada.

Weerarka ayaa kamid ah silsilado qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Afghanistan sanadkan kuwaasi oo lagu dilay kumanaan shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM