Daacish oo weerar ka fulisay Caasimada Afghanistan

Image

KABUL - Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar maanta ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan.

War qoraal ah oo lagu baahiyay wakaaladda wararka Daacish Amaq News Agency ayaa lagu sheegay in 2 kamid ah dagaalyahanadeeda ay fuliyeen weerarka oo lala eegtay xarun militariga lagu tababaro.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in 5 nin oo hubaysan ay galeen gudaha xarunta ciidan, halkaasi oo iska caabin kala kulmeen ciidamada qaranka.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka magaalada Kabul.

Iska hor-imaad saacado qaatay ayaa dhex maray ciidanka iyo kuwa weerarka kusoo qaadey, waxaaan saraakiisha amniga ay xaqiijiyeen in la dilay dagaalyahanada.

Weerarka ayaa kamid ah silsilado qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Afghanistan sanadkan kuwaasi oo lagu dilay kumanaan shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM