Daadad ka dhashay roobab mahiigan oo dad ku dilay Malaysia

Image
Carro dadwaynaha ayaa sidoo kale ka dhashay sida ay dawladda Malaysia u maareysay musiibadan.

KUALA LUMPUR, Malaysia - Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay tobanaan kun oo kalena way ku barakaceen ka dib mid ka mid ah daadadkii ugu xumaa ee Malaysia soo mara tobannaan sano.

Roobab mahiigaan ah oo saddex maalmood socday horaantii asbuucan ayaa sababay daadad ba'an oo ka dhacay siddeed gobol, kuwaas oo qayb ahaan qariyay magaalooyin iyo tuulooyin badan.

Dowladda ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulantay jawaab celinteeda.

Dhowr qof ayaa lagu soo waramayaa in la la’yahay, waxaana isa soo taraya cabsida laga qabo in dhimashadu ay kororto.

Ilaa Isniintii, dad lagu qiyaasay 51,000 ayaa laga daadgureeyay guryahooda. Inta badan dadkaasi waxay ka soo jeedaan Pahang oo ku taal xeebta bari ee Malaysiya, oo ka mid ah gobolada ugu daran.

Selangor, oo ah gobolka barwaaqada iyo dadku ku badan yihiin ee ay ku taal magaalada caasimadda ah ee Kuala Lumpur, ayaa sidoo kale si xun u saamaysay.

Sawirro ku wareegayay baraha bulshadda ayaa muujinaya qaybo ka mid ah magaalada Kuala Lumpur oo ku qarqoomeen dhammaadkii Asbuucan, heerar biyo ah oo aan la arkin tan iyo fatahaad ballaaran oo dhacday 1971-kii.

Carro dadwaynaha ayaa sidoo kale ka dhashay sida ay dawladda Malaysia u maareysay musiibadan, iyadoo dad badan ay ka cabanayeen in digniin yar ay bixiyeen maamulka, gurmadkii gurmadkana uu ahaa mid gaabis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM

Trump oo si rasmi ah u taageeray ololaha doorashada Benjamin Netanyahu

Trump ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu muujiyay adkaysi, geesinimo iyo karti, inkasta oo uu wajahayo mucaaradad xooggan.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:07PM