Daadad ka dhashay roobab mahiigan oo dad ku dilay Malaysia

Image
Carro dadwaynaha ayaa sidoo kale ka dhashay sida ay dawladda Malaysia u maareysay musiibadan.

KUALA LUMPUR, Malaysia - Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay tobanaan kun oo kalena way ku barakaceen ka dib mid ka mid ah daadadkii ugu xumaa ee Malaysia soo mara tobannaan sano.

Roobab mahiigaan ah oo saddex maalmood socday horaantii asbuucan ayaa sababay daadad ba'an oo ka dhacay siddeed gobol, kuwaas oo qayb ahaan qariyay magaalooyin iyo tuulooyin badan.

Dowladda ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulantay jawaab celinteeda.

Dhowr qof ayaa lagu soo waramayaa in la la’yahay, waxaana isa soo taraya cabsida laga qabo in dhimashadu ay kororto.

Ilaa Isniintii, dad lagu qiyaasay 51,000 ayaa laga daadgureeyay guryahooda. Inta badan dadkaasi waxay ka soo jeedaan Pahang oo ku taal xeebta bari ee Malaysiya, oo ka mid ah gobolada ugu daran.

Selangor, oo ah gobolka barwaaqada iyo dadku ku badan yihiin ee ay ku taal magaalada caasimadda ah ee Kuala Lumpur, ayaa sidoo kale si xun u saamaysay.

Sawirro ku wareegayay baraha bulshadda ayaa muujinaya qaybo ka mid ah magaalada Kuala Lumpur oo ku qarqoomeen dhammaadkii Asbuucan, heerar biyo ah oo aan la arkin tan iyo fatahaad ballaaran oo dhacday 1971-kii.

Carro dadwaynaha ayaa sidoo kale ka dhashay sida ay dawladda Malaysia u maareysay musiibadan, iyadoo dad badan ay ka cabanayeen in digniin yar ay bixiyeen maamulka, gurmadkii gurmadkana uu ahaa mid gaabis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM

Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    22-02-2026

  • 08:04PM