Dab qabsaday warshad Qadiimi ah oo ku taal Melbourne

Image

Wararka ka imaanaya magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegay in booliisku goor dambe ku guulaysteen inay bakhtiiyaan dab qabsaday war-shad qaadiimi ah oo ku taalla magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Warshadda Gubatay oo ahayd goob aan shaqayn muddo ka badan 15 sano ayaa la sheegay in xalay laga maqlay Qarax markii dambe colac isu badalay oo qabsaday qaybaha kala duwan ee goobtaas.

Lama oga waxa keenay gubashada xaruntan, balse dadka deegaanka ayaa ku war-galiyay kooxaha dab-damiska dhacdadan oo ku qaadatay inay damiyaan muddo Afartan daqiiqo ah.

Waxaa laga helay Maydka saddex ruux oo loo malaynayo inay ku dhinteen dabkaas.

Lama garanayo haybtooda iyo waxa ay goobta ka qabanayeen, balse dhismahan, waxaan hoy ahaan u isticmaala dadka aan guryaha lahayn (Darbi Jiif).

Saddexdaas ruux ayaa warbaahinta gudaha dalkaas waxay tabisay inay ahaayeen Labo Rag ah iyo hal qof uu dumar ah.

Khubaro ku xeel-dheer dhinaca masiibada dabka ayaa baaraya waxa keenay inay gubato goobtan taariikhiga ah.

Warshadan ayaa shaqayn jirtay muddo dhan Qarni gaar ahaan sannadihii u dhaxeeyay 1903 ilaa 2002dii, markii la xiray ka dibna dawladda ayaa dabada ka riixaysay qorshe goobtaas lagaga dhiso dhismeyaal badan oo deegaaan ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM