Dabaylo iyo duufaano dad badan ku laayey baadiyaha Mareykanka

Image
Dhulka ay musiibadan rabaaniga ah ku dhufatay dhul ballaaran waxaa ku nool ilaa 85 milyan oo qof.

WASHINGTON, USA - Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii duufaano ay ku dhufteen degaano iyo magaalooyin ku yaala koonfurta iyo bartamaha galbeed ee Maraykanka.

Duufaanno dhowr ah ayaa laga soo wariyey habeenkii Jimcaha guud ahaan ugu yaraan siddeed gobol. Waxyaabaha lasoo tabiyey waxaa kamid ah burburka guryo iyo goobo ganacsi.

Waxyeeladan ayaa qayb ka ah khasaaro lasii saadaaliyey in musiibada rabaaniga ah ah u geysan doonto gobollada bannaanka koonfureed iyo bartamaha dhexe ee Mareykanka.

Tobanaan kun oo qof ayaa sidoo kale waxay waayeen adeegii korontadda kadib markii ay duufaantu ku dhufatay dhul ballaaran oo ay ku nool yihiin ilaa 85 milyan oo qof.

Dadka dhintay waxaa ku jiray toddobo qof oo ku sugnaa gobolka Tennessee, shan deganaa Arkansas oo deris la ah, iyo afar ku yaalla Illinois. Dhimasho kale ayaa laga soo sheegay gobolada Indiana, Alabama iyo Mississippi.

Dabaylaha ayaa sidoo kale sababay xaalado baraf ah oo ka dhacay Upper Midwest. Halista duufaano iyo roob-dhagaxyaale ayaa ku haray Waqooyi-bari Mareykanka oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah Pennsylvania iyo New York.

Sikastaba ha ahaatee, Cimilada qallafsan ayaa timid kadib markii madaxweyne Joe Biden uu si degdeg ah u booqday goobaha ay kasoo muuqdeen burburka duufaan weyn oo ku dhufatay gobolka Mississippi todobaadkii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM