Dabka ka kacay kaymaha Hawaii oo dilay in ka badan 67 ruux

Image
Jasiiraddan ayaa hoy u ah dad badan oo taajir ah, oo uu ku jiro aasaasaha shirkadda Amazon oo lagu magacaabo Jeff Bezos.

WASHINGTON, USA - Dabka ka kacay kaymaha Hawaii ayaa gaaray heer aad u xun iyadoo dhimashadu ay kor u dhaaftay 67 ruux, taasoo ka dhigaysa musiibadii dabiiciga ahayd ee ugu dhimashada badnayd ee soo marta gobolka.

Boqolaal kale qof ayaa la sheegay in la la’yahay, waxaana laga yaabaa in khasaaraha uu weli sii kororto maadaama dhaawacyadda qaarkood ay aad u liidato xaaladooda.

Dabkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo qaar kamid ah dadka deggan Lahaina loo oggolaaday inay si kooban guryahooda ugu soo laabtaan Jimcaha si ay u ogaadaan khasaaraha ka soo gaaray magaaladooda uu dabku baabi’iyay.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo aaday iyadoo ay jireen digniino dhowr ah oo ku saabsan in ay wajihi karaan "burbur aan weligood arkin noloshooda".

Saraakiisha gobolka ayaa dib ugu furay Lahaina dadka sita caddaynta degenaanshaha jimcihii markii ugu horeysay tan iyo markii uu ololku si xawli ah u kacay horaantii todobaadkan, kaas oo baabi'iyay inta badan magaalada taariikhiga ah.

Qaar kamid ah qoysaska dadkooda ku waayay musiibadan ayaa waxa ay BBC-da u sheegeen inay ka walaacsan yihiin inay adag tahay in la caddeeyo degenaanshaha.

Jasiiraddan ayaa hoy u ah dad badan oo taajir ah, oo uu ku jiro aasaasaha shirkadda Amazon oo lagu magacaabo Jeff Bezos. Isaga iyo xaaskiisa Lauren Sanchez ayaa ku yaboohay $100m (£79m) si loogu caawiyo dhibanayaasha dabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM