Dacwad lagu soo oogay dad horleh oo lala xiriirinayo dilkii Khashoggi

Image

ANKARA, Turkey – Dacwad-oogeyaasha Turkiga ayaa gudbiyey gal ka dhan ah lix Sacuudiyaan ah kuwaasoo loo haysto dilkii 2018 ee wariye Jamal Khashoggi loogu dhex-geysatay Qunsulyada Boqortooyadda ee Istanbul.

Wakaaladda wararka dowlada Turkiga ee Anadolu ayaa Isniinta maanta ah waxay warisay in laba kamid ah la tuhunsaneyaasha lala doonayo dil toogasho, halka afarta kale loo goobayo min shan sano oo oo xarig ah.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, labada dilka toogashada lala rabo waxay kamid ahaayeen shaqaalaha Qunsulyada, waxaana ay ku jiraan kooxdii ka duushay Turkiga kadib markii uu fulay howlgalkaas qorsheysanaa.

Afarta kale, sidda ku xusan xogta, waxay baabi’iyeen caddeymihii fal-dambiyeedkaas, mana ku sugna gudaha waddanka Turkiga taasoo ka dhigan in aan la ogeyn meesha ay joogaan.

Bishii Julaayo ee isla sanadkan 2020, xukuumada Ankara ayaa bilowday maxkamadeynta 20 eedeysaneyaal kuwaasoo lala xiriiriyey khaarijinta saxafiga.

Jamal Khashoggi oo ahaa 59-jir ayaa aad uga soo horjeeday dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan, isagoo la shaqeynayey Jariirada afka dheer ee Washington Post.

Madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa wuxuu sheegay in shirqoolka lagu dilay Jamal lagu soo diyaariyey "heerkii ugu sareeyay".

Marxuumka ayaa wuxuu qunsulyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ka doontay warqada meherka saaxiibadiis u doonaneyd ee Hatice Cengiz taasoo haatan horkaceysa ololaha ay cadaaladda ugu goobeyso lamaanaheeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhan Omar oo sheegtay inaysan aamusi doonin kadib markii la baaray gurigeeda

Omar, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga lagana soo doorto gobolka Minnesota, ayaa cambaareysay baaritaanka.

  • Caalamka

    12-10-2026

  • 05:05PM

Sacuudiga: 12 ku dhimatay weerar gantaal oo lagu qaaday garoonka Riyadh

Garoonka ayaa markale la bartilmaameedsaday Sabtidii, waxaana gebi ahaanba laga…

  • Caalamka

    11-10-2026

  • 02:53AM