Dad ay caruur ku jiraan oo lagu laayay toogasho wadareed

Image
Booliska ayaa qofka toogashada geystay ku sheegay gabadh 28 jir ah, Audrey Hale.

WASHINGTON, USA - Lix ruux ayaa lagu dilay - saddex qof oo waaweyn iyo saddex carruur ah, oo da'doodu u dhaxayso siddeed iyo sagaal jir, kadib toogasho ka dhacdey dugsi hoose oo lagu faafiyo diinta Masiixiyadda.

Caruurta dhimatay ayaa kala ah; Evelyn Dieckhaus, Hallie Scruggs iyo William Kinney. Dadka waaweyn ee la dilay waxaa ku jira madaxa dugsiga Katherine Koonce, 60-jir, Cynthia Peak, 61-jir, iyo Mike Hill, 61-jir.

Booliska ayaa qofka toogashada geystay ku sheegay gabadh 28 jir ah, Audrey Hale, taasoo ay boolisku toogteen. Saraakiisha ayaa wali baaraya sababta ay falkan u geysatay.

Hale ayaa la rumeysan yahay in ay ahayd arday hore oo iskuulka wax ka baran jirtay. Mas'uuliyiin ayaa tuhunsan in sababaha falkan ay u geystay ay qeyb ka tahay "xanaaq ay qaadey".

Hubka ay falkan ku geysatay ayaa lagu waramay in uu kala ahaa laba qori oo mid kamid ah uu daran-daroori u dhaco. Warbixinada waxay xusayaan in hubka ay si sharci ah ku iibsatay.

Hale ayaa u adeegsatay mid ka mid ah qoryahan in ay ku burburiso albaabada laga soo galo iskuulka si ay gudaha ugu galaan kahor inta aysan ciidamadda toogasho ku khaarijin.

Toogashada ka dib, Madaxweyne Joe Biden waxa uu soo cusboonaysiiyay baaqyada ku saabsan sharciga xakamaynta hubka. Dhanka kale, iskuulka ayaa si degdeg ah waxa uu u marigeliyey munaasabad lagu xusay dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM