Dad badan oo ku dhintey dab ka kacay dhisme ku yaala New York

Image
Image
Image
Tobanaan kale waxaa soo gaarey dhaawacyo oo ay ku jiraan 13 kale oo xaaladooda ay halis tahay

NEW YORK, USA - Dab ka kacay dabaq dheer oo ku yaala degmadda Bronx ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sababay dhimashadda 19 qof oo ay ku jiraan sagaal caruur ah, sida ay u warantay saxaafadda.

Waa dabkii ugu dhimashadda badnaa muddo soddon sano ah kadib, sida ay ku warantay wakaaladda wararka AP taasoo warisay in dad ku xanibmay qolalka qaar ay ay jebiyeen daaqadaha.

Tobanaan kale waxaa soo gaarey dhaawacyo oo ay ku jiraan 13 kale oo xaaladooda ay halis tahay, sida ay ku warantay waaxda caafimaadka taasoo tibaaxdey in gurmad badan uu soconayo.

"Dabdamiska ayaa dabaq kasta ka helay dhibanayaal, qaar badan oo wadnaha iyo neefsiga ayaa istaagay," ayuu yiri Guddoomiyaha Dabdemiska Daniel Nigro. "Qaarkood way baxsan kari waayeen sababta oo ah mugga qiiqa," ayuu xusay.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in markii hore ay iska indhatireen qaylo-dhaanta qiiqa sababtoo ah digniinaha beenta ah ayaa aad ugu badnaa dhismaha 120-ka unug ah, ee la dhisay horraantii 1970-meeyadii sidii guryo la awoodi karo.

Sanadka markii uu ahaa 2017, 13 qof ayaa dab ka kacay guri dabaq ah kuna yaala Bronx ku nafwaayey, sida laga soo xigtay xogta Ururka Ilaalinta Dabka ee Qaranka.

Dabka Axaddii ayaa dhacay maalmo uun ka dib markii 12 qof, oo ay ku jiraan siddeed carruur ah, ku dhinteen dab ka kacay guri ku yaal Philadelphia. 1989kii, dab ka kacay dhismo guri ku yaala gobolka Tennessee ayaa galaaftay nolosha 16 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM