​Dad isku qoys ah oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Yemen

Image

Ugu yaraan 20 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay duqeyn dhanka cirka ah oo Diyaaradaha Xulufada Khaliijka ay ka fuliyeen koonfurta dalka Yemen.

QM ayaa sheegtay in dadkan ay ku jiraan dhowr qof oo hal qoys kasoo wada jeeda, kuwaasi oo ku dhintey gantaallo ay diyaaradaha hawanta ah ku garaaceen deegaanno dad shacab ah ay degan yihiin oo ku yaalla koonfur galbeed ee gobolka Ticiz.

UNHCR ayaa soo saartey war saxaafadeed ay ku sheegtay inay aad uga xun tahay khasaaraha shacabka kasoo gaarey duqeymaha Yemen, waxayna ugu baaqdey Sacuudiga iyo Xulufadiisa inay baaritaan ku sameeyaan weerarka.

Dadka ku dhintey duqeynta ayaa waxay ahaayeen barakacayaal kasoo cararay dagaalka magaalada Mokha oo isla gobolka Ticiz ku taalla, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada wadamada Khaliijka iyo xoogaga xuutiyiinta shiicada ah.

Wali ma jirto war kasoo baxay xulufada khaliijka oo ku aadan duqeynta shacabka lagu dilay.

Dalka Yemen ayaa waxaa ka socda dagaal tan iyo 2015 kaasi oo billowday markii ay xuutiyiinta la wareegeen awooda dowladdii Madaxweyne Abedrabbo Mansour Hadi, oo aad ay u taageeraan wadamada khaliijka carabta.

Hay'adda Caafimaadka aduunka ee QM WHO ayaa sheegtay in 8,000 oo qof lagu dilay colaadda ka socota Yemen, kuwaasi oo u badan shacab, iyadoo malaayiin kalena ay ka carareen dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM