Dad ku dhaawacmay dab qabsaday keyn ku taala koonfurta Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Ugu yaraan 10 qof ayaa dhaawacyo sahlan ay kasoo gaareen dab ka kacay keyn ku yaala koonfurta dalka Turkiga, sidda ay warbaahinta dowladda kasoo xigtay mas'uul ka howlgala meesha ay wax ka dhaceen.

Dabka ayaa Jimcadii ka kacay degmada Belen ee gobolka Hatay, waxaana mas'uuliyiinta ay tuhunsan yihiin in falkaas uu ka dhashay dab la shiday, sidda uu Anadolu Agencyu u sheegay Ibrahim Gul, duqa magaaladda.

Sidda laga soo xigtay Ibraahim, ku dhowaad tobban ruux ayaa dhaawacmay, 20 guri way ku burbureen, halka shan gaari ay ku bas-beeleen.

Bekir Pakdemirli, wasiirka Beeraha iyo Keymaha ee Turkiga, ayaa tibaaxay in dabka uu kusii fiday saddex degmo balse ay xakameynayaan.

Baaritaano ayuu tilmaamay in ay durba bilaabeen isla markaana afar ruux oo looga shakisan yahay in ay shideen dabka ay xabsi ku jiraan.

"Kooxaha dab-damiska waxay la hal-gamayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in uu ku fido keyn kale oo ku taala gobolka koonfurta ku yaala ee Osmaniye," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Bekir Pakdemirli.

Gubashada Keymaha ayaa sanadkan 2020 kamid ah dhacdooyinka ugu hadalheynta badan warbaahinta caalamka iyaddoo dalalka Mareykanka, Brazill iyo Australia ay hor-kacayaan wadamada kiisaska ugu balaaran lasoo wariyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM