Dad ku dhintay dhisme kusoo dumay jasiirad ku taala Mareykanka

Image

LONDON, UK - Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay soo duntay meel doonyaha ku xirtaan ay jasiiradda Sapelo ee dalka Mareykanka.

Dhacdadan ayaa laga soo wariyay iyadoo dad badan ay isugu soo baxeen dabaaldeg, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Waaxda Kheyraadka Dabiiciga ah ee Georgia (Georgia DNR), oo maamusha dekedda, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ku dhawaad ​​20 qof ay ku dhaceen biyaha markii dhismuhu dumay Sabtidii.

Dhacdadani waxa ay keentay in ay jawaab ka bixiyaan hay'ado badan oo gobolka iyo kuwa maxalliga ah. Doomo iyo diyaarado helikobter ah ayaa la geeyay howlgallada goobidda iyo samata bixinta.

Mas'uuliyiinta degaanka oo la hadlay warbaahinta maxaligaa h ee Mareykanka ayaa waxay shaaca ka qaadeen in wadada gangiska la sugay, islamarkaana shilka uu ku socdo baaritaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM