Dad ku dhintay dhul-gariir ka dhacay Philippine

Image

Dhulgariir oo xooggan ayaa ku dhuftay koonfurta dalka Philippine, kaasi oo geestay khasaarooyinka dhimasho iyo bur bur isagu jiro, sida ay sheegeen Saraakiisha dalkaasi. 

Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 6.5 Rigtar ayaa waxa uu ka dhacay Jaziirada Mindanao, waxaana ku dilay ugu yaraan 15 ruux, halkas 126 kalena ay ku dhaawacmeen.

Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa loo diray Goobaha uu saameeyay Dhulgariirka, si ay usoo samatabixiyaan dadka ku go'doomay, oo dowladda dib u dejin u samaynayso.

Dhulgariiran cusub ayaa jaray wadooyinka, adeegyada Konrontada iyo Biyaha, iyadoo sidoo kale uu dhulka la simay goobo ganacsi oo aad u badan, sida ay dowladda Philippine sheegtay.

Kumanaan kun oo qof ayaa ka cararay goobaha ku dhaw Jaziirada, iyagoo ka baxayo inay dhacdo duufaanta Sunaamiga, taasi oo sanado kahor dad badan ku dishay dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM