Dad ku geeriyoodey qarax ka dhacay jasiirad gooni-isu-taag ah

Image
Dadka ku nool Jaziiradan ayaa wadar ahaan waxaa lagu qiyaasaa in ka badan boqol kun oo ruux.

WASHINGTON, USA - Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, ku dhawaad ​​tobaneeyo kalena waa lagu la'yahay qarax subaxnimadii hore ee Sabtidii ka dhacay dhismo dabaqyo ah oo ku yaalla Jaziiradda Jersey.

Robin Smith, oo ah madaxa booliiska ee Gobolka Jersey, ayaa ka sheegay shir jaraa'id in laga yaabo in tirada dhimashada ay kororto maadaama ay jiraan dhaawacyo halis ah.

Qaraxa oo dhacay wax yar ka hor 04:00 GMT ayaa sababay dab la damiyay. Gaadiidka dab-damiska oo soo daahay waxay sababtey in waxyeeladda ay badato, sida ay xogta sheegeyso.

Smith ayaa xusay in dhismo saddex dabaq ah oo ku yaalla meel u dhow dekedda caasimadda jasiiradda St Helier uu dumay. "Kooxaha badbaada ayaa wali baadi-goobaya shaqsiyaad kale," ayuu tibaaxay.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in 20 ilaa 30 qof lasoo badbaadiyey halka laba ruux kale lasoo daadgureeyay iyaga oo qaba "dhaawcyo ay ku socon kraan" .

"Inta dhimatay waxaan ehelkooda u rajeynayaa badal wanaagsan, kuwa dhaawaca ahna waxaan u sheegaynaa in aan mar walba garab-taaganahay," ayuu carabka ku dhuftey.

Jersey waa jasiirad iskeed isu maamusho oo hoos timaada Ku-tiirsanaanta Boqortooyada Ingiriiska mana aha qayb ka mid ah Boqortooyada Ingiriiska lafteeda. Dadkeedu waa 100,000, waxaana xarun u ah St Helier.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM