Dad ku geeriyoodey qarax ka dhacay masjid ku dhex-yaala wasaarad

Image
Qaraxan ayaa imaanaya kadib weerar ismiidaamin ah oo Jimcihii lagu dilay 53 qof oo ka dhacay xarun waxbarasho.

KABUL, Afgaanistaan - Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday masaajid ku dhex-yaalla xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Afgaanistaan ​​ee caasimada Kabul, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda.

Sidda laga soo xigtey afhayeenka oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah, waxaa ku dhintay falka aysan wali jirin koox dusha saaratay afar qof, 25 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan oo dhacay galabnimadii Arbacada maanta ah ayaa wuxuu dhacay iyadda oo ay shaqaalaha wasaaradda iyo dadka soo booqday ay ku tukanayeen gudaha masjidka.

Wasaaraddu waxay ku taal wadada weyn ee Kabul ee xigta garoonka caalamiga ah ee Kabul, waxayna ku taal xarunteeda tahay mid gaar ah oo ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Qarixii ugu dambeeyay ayaa imaanaya kadib weerar ismiidaamin ah oo Jimcihii lagu dilay 53 qof oo ka dhacay xarun waxbarasho oo ku taal Kabul, oo ay ku jireen 46 gabdho iyo haween ah, sida ay sheegtey Qaramada Midoobay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qofka weerarka geystay uu isku qarxiyay qeybta haweenka ee fasalka lagu kala sooco jinsiga ee xaafadda Dasht-e-Barchi - oo ah deegaan ay ku nool yihiin bulshada Shiicada Hazara ee la dulmiyay.

Si kastaba ha ahaatee, ISIL, oo ​​Shiicada Muslimiinta u arka inay yihiin bidco, ayaa dhowr jeer isla deegaankaas ka fulisay weeraro lagu dilay gabdho, iskuulo iyo masaajid.

Kooxda Taalibaan ee talada haysa ayaa sheegtay in ay sugeen amniga dalka tan iyo markii ay la wareegeen 2021-ka kadib laba iyo toban sano oo kacdoon hubaysan ah. Balse weeraradda hubeysan ayaa wali soconaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM