Dad ku naf-waayay dhul-gariir ku dhuftey Afghanistan iyo Pakistan

Image
Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto maadaama wali la goobayo dad horleh.

ANKARA, Turkey - Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen dhulgariir cabirkiisu lagu qiyaasay 6.5 uu ku dhuftay degaano ka tirsan Afghanistan iyo Pakistan xilli sidoo kale laga dareemay caasimadda Hindiya ee New Delhi.

Si gaar ah waqooyi-galbeed Pakistan, ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriyootay 44 kalena way ku dhaawacmeen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda. Isbitaalada ku yaal waqooyiga gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa xalay la geliyay xaalad degdeg ah.

Dhinaca Afgaanistaan, ugu yaraan afar qof ayaa ku naf-waayay 50 kalena way ku dhaawacmeen, sida uu sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xudunta dhulgariirka ayaa 40 KM (25 mayl) koonfur bari kaga beegan magaalada Jurm ee dalka Afgaanistaan, una dhow xudduudaha Pakistan iyo Tajikistan, sida ay sheegtay hay'adda sahaminta dhulka ee Maraykanka (USGS) Talaadadii.

Dhulgariirka ayaa si lamid ah waxaa laga dareemay dhul in ka badan 1,000 KM (621 mayl) ayna ku nool yihiin ilaa 285 milyan, sidda ay shaaca ka dhigeen hay'adaha ku shaqada leh.

Dalalka laga dareemay waa Pakistan, India, Uzbekistan, Tajikistan, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Afgaanistaan ​​iyo Turkmenistan, sida ay sheegtay xarunta seismological Seismological European-Mediterranean.

In ka badan 1,000 qof ayaa ku dhintay sannadkii hore ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.1 uu ku dhuftay bariga Afgaanistaan. Sannadkii 2005, ugu yaraan 73,000 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.6 oo ku dhuftay waqooyiga Pakistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM