Dad uu ku jiro Xildhibaan horey oo lagu dilay duqeyn cirka ah

Image
Weerarkan dhinaca cirka ah ayaa waxaa lala bartilmaameedsadey hotel uu daganaa mudanaha.

MOSCOW, Russia - Mas'uuliyiinta taabacsan Kremlin-ka ayaa ku eedeeyay ciidamada Ukraine inay dileen labo qof oo uu ku jiro xildhibaan hore, kadib markii ay gantaal ku weerareen hotel ku yaal magaalada Kherson.

Sarkaal ka tirsan gobolka oo u waramay warbaahinta taageersan Moscow ayaa sheegay in Oleksiy Zhuravko, oo hore u ahaan jiray xildhibaan Ukraine ah uu ku dhintay weerarka.

Maamulka u jaranjeera Russia ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamada qalabka sida ee Ukraine ay gantaal ku dhufteen Hotel Play oo ku yaala Ribas saacadu markay ahayd 05:30 (03:30 BST) maalintii Axada. Kyiv kama aysan jawaabin sheegashada.

War-saxaafadeedka oo lagu faafiyey Telegram lagu sheegay in tani "ay ahayd fal argagixisanimo oo la qorsheeyay", waxaana uu intaas ku daray in dhismaha hoteelka aan loo isticmaalin arrimo ciidan.

Warka qoraalka ah oo saxaafadda Ruushka ay si weyn u buun-buunisa ayaan lagu caddeyn shaqsiga kale ee ay tibaaxeen in uu ku naf-waayay weerarka dhanka cirka ah.

Duqeynta ayaa ku soo beegantay iyadoo Kherson - oo ka mid ah goobihii ugu horreeyay ee la hoos geeyo Moscow ka dib duulaanka waxaana lagu qabanayaa afti oo dadka lagu weydiinaya inay rabaan inay ku biiraan Ruushka.

Aftidan ayaa yimid kadib markii ciidamada dalka Ukraine ay weerar ballaaran oo rogaal celis ah ku qaadeen koonfurta. Bishii la soo dhaafay, militariga Ukraine ayaa sheegay inay jabiyeen difaacii ugu horeeyay ee Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM