Dad uu ku jiro Xildhibaan horey oo lagu dilay duqeyn cirka ah

Image
Weerarkan dhinaca cirka ah ayaa waxaa lala bartilmaameedsadey hotel uu daganaa mudanaha.

MOSCOW, Russia - Mas'uuliyiinta taabacsan Kremlin-ka ayaa ku eedeeyay ciidamada Ukraine inay dileen labo qof oo uu ku jiro xildhibaan hore, kadib markii ay gantaal ku weerareen hotel ku yaal magaalada Kherson.

Sarkaal ka tirsan gobolka oo u waramay warbaahinta taageersan Moscow ayaa sheegay in Oleksiy Zhuravko, oo hore u ahaan jiray xildhibaan Ukraine ah uu ku dhintay weerarka.

Maamulka u jaranjeera Russia ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamada qalabka sida ee Ukraine ay gantaal ku dhufteen Hotel Play oo ku yaala Ribas saacadu markay ahayd 05:30 (03:30 BST) maalintii Axada. Kyiv kama aysan jawaabin sheegashada.

War-saxaafadeedka oo lagu faafiyey Telegram lagu sheegay in tani "ay ahayd fal argagixisanimo oo la qorsheeyay", waxaana uu intaas ku daray in dhismaha hoteelka aan loo isticmaalin arrimo ciidan.

Warka qoraalka ah oo saxaafadda Ruushka ay si weyn u buun-buunisa ayaan lagu caddeyn shaqsiga kale ee ay tibaaxeen in uu ku naf-waayay weerarka dhanka cirka ah.

Duqeynta ayaa ku soo beegantay iyadoo Kherson - oo ka mid ah goobihii ugu horreeyay ee la hoos geeyo Moscow ka dib duulaanka waxaana lagu qabanayaa afti oo dadka lagu weydiinaya inay rabaan inay ku biiraan Ruushka.

Aftidan ayaa yimid kadib markii ciidamada dalka Ukraine ay weerar ballaaran oo rogaal celis ah ku qaadeen koonfurta. Bishii la soo dhaafay, militariga Ukraine ayaa sheegay inay jabiyeen difaacii ugu horeeyay ee Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM