Dadka Brazil oo dooranaya madaxweyne cusub

Image

October 5, 2014 (GO)- In ka badan 142 milyan oo qof oo Brazilian ah ayaa bilaabay inay codkooda dhiibtaan si ay u doortaan madaxweynaha xiga ee dalkaas hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.

Wareegga koowaad ee doorashada waxaa ku tartami doona saddex murashax oo ay ku jirto Dilma Rousseff oo ah madaxweynaha xilligan ee dalka Brazil lana soo doortay sanadkii 2011.

Labada murashax ee kale ayaa kala ah Marina Silva oo horay usoo noqotay wasiirkii hore ee deegaanka kana tirsan Xisbiga Hanti-wadaaga iyo musharax kale oo lagu magacaabo Aecio Neves siyaasadiisuna tahay bidix dhexe.

Nidaamka codbixinta ayaa ah elektaroonik, waxaana la filayaa in natiijada la shaaciyo saacad ama labo saac kadib marka codeyntu soo gaba gabowdo. Haddii doorashadu yeelato wareeg labaad waxay noqon doontaa 26-da bishan October.

Madaxweynaha xilligan ee dalka Brazil Dilma Rousseff ayaa loo badinayaa inay doorashada ku guuleysan doonoto, waxaana afkaar ururin ay sameeyeen qaar kamid ah warbaahinta dalkaasi lagu ogaaday in 45% dadku taageersan yihiin Ms Rousseff.

Sanadkii hore ee 2013 kumanaan mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee caasimadda dalka Brazil, dadkaasi waxay ka cabanayeen in dowladdu malaayiin doolar ku khasaarisay diyaarinta garoomadii lagu ciyaaray koobka cagta aduunka 2014  xilli badi dadka dalkaasi sabool yihiin wax shaqo ahna haysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM