Malaayiin dadka Ingriiska oo u dareeraya doorashooyin

Image

Dadku waxay u codeynayaan xisbiga ay doonayaan iyagoo filaya in midkood xisbiyada waa weyn, sida xisbiga shaqaalaha ama kan muxaafidka ay ku guuleysan doonaan doorashada, hogaamiyahooduna uu noqon doono ra'iisul waaaraha.

Sida badan dagaalkii labaad ee dunida kaddib, taasi waa waxii dhici jiray balse doorashadii 2010-kii, wax walba aad ayey isu badaleen.

Inkastoo xisbiga muxaafidku uu ku guuleystay badi kuraasta barlamaanka oo aheyd 323, ma aheyn taasi in ku filan oo aqlabiyad ah, markii ugu horeysay tobaneeyo sano ayaa lagu qasbay inuu isbahaysi la galo xisbi kale, isagoo la galay Liberal Democrats.

Saadaasha doorashada ayaa hadda ah mid taa ka ag dhaw. Sidaa daraadeed maxaa sababay codeeyayaasha inay asxaabta waa weyn ka cararaan amaba aysan codeyn gabi ahaan?

Badi kuwa faalooda, waxay farta ku fiiqaan, niyad jab baahsan oo laga qaaday fakarka siyaasiyiinta. Taasi oo ay ka faa'ideysteen xisbiyo yar oo badan. Sida xisbiyada UKIP, kan deegaanka iyo kan Iskootishka oo awoodiisu korortay, inkastoo looga guuleystay aftidii loo qaaday Iskootland.

Markan midkoodna xisbiyada waa weyn ma helayo aqlabiyad, waxay u baahan yihiin inay gacan ka helaan kuwa kale si ay dowlad u dhisaan.

Tani waxay tahay, tusaale ahaan. in xisbiga labaad ee kuraasta uu dhisi karo dowlad hadii uu kaalmo ka helo xisbiyada yar yar. Dastuuriyan taasi waa caadi balse kuwa ka horjeeda, waxay sheegayaan inaysan sharci aheyn.

Howlaha dowladda ayaa hakan doono iyadoo daganaasho la'aanta siyaasadda ay saameyn doonto suuqa badeecadaha. Barlaamaanka ayaa fadhi yeelan doono 18-ka may waxaana jiri doona heshiis.

Hal mid ayaa cad, maalmihii ay dadka Briton soo toosi jireen doorashada kadib ayagoo wax cad filaya, og cidda noqoneysa ra'iisul wasaare, , waa dhamaadeen.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Iran oo Maraykanka ku Eedeysay Fashilka Wadahadalladii Pakistan

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in Iiraan ay farriimo qoraal ah u dirtay Maraykanka iyada oo sii marsiisay Pakistan.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 12:54PM

Lavrov: Mareykanka wuxuu u weeraray Iran iyo Venezuela si uu u xukumo tamarta adduunka

Wasiirka ayaa intaas ku daray in tallaabooyinka Mareykanka ee dalalka Iiraan iyo Venezuela ay si cad ugu xiran yihiin danaha tamarta.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 08:10AM