Dadka uu ku dilay Coronavirus guud ahaan dunida oo dhaaftay hal milyan

Image

WASHINGTON, US – Jaamacadda Johns Hopkins ee waddanka Mareykanka oo warbixin cusub soo saartey ayaa shaaca ka dhigtay in tiradda uu Coronavirus ku dilay guud ahaan caalamka ay dhaaftey hal milyan.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa daaha ka rogtay in tirada saxda ah ee xanuunkan uu galaaftay ay intaas ka badan karto.

"Illaa haatan, waxaa guud ahaan caalamka xanuunka ugu geeriyootay 1,000,555," ayay Jaamacadda ku tiri warbixinteeda Talaadada maanta ah.

Covid-19 ayaa sanadkii lasoo dhaafay wuxuu kasoo bilowday magaalada bartamaha Shiinaha ku taala ee Wuhan, halkaasoo uu uga sii fiday caalamka iyaddoo China lagu dhaliilay qaabka ay u maareysay.

Wallow dowladuhu kala xirtaan xuduudaha, haddana fayruska wuxuu gaarey caalamka iyaddoo WHO ay Maaj ku sheegtay "safmareen".

Mareykanka ayaa laga diiwaan-geliyey dhimashadda ugu badan, 205,031, waxaase xiga wadamada Brazil, India, Mexico, iyo Ingiriiska.

Maadaama aan wali loo helin daawo ama talaal rasmi ah, jiritaanka xanuunka waxaa la saadaalinayaa in uu sii galaafan karo dadyow badan, waxaana wadamada lagu booriyey in ay mideeyaan ololahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM