Dadka uu ku dilay Coronavirus guud ahaan dunida oo dhaaftay hal milyan

Image

WASHINGTON, US – Jaamacadda Johns Hopkins ee waddanka Mareykanka oo warbixin cusub soo saartey ayaa shaaca ka dhigtay in tiradda uu Coronavirus ku dilay guud ahaan caalamka ay dhaaftey hal milyan.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa daaha ka rogtay in tirada saxda ah ee xanuunkan uu galaaftay ay intaas ka badan karto.

"Illaa haatan, waxaa guud ahaan caalamka xanuunka ugu geeriyootay 1,000,555," ayay Jaamacadda ku tiri warbixinteeda Talaadada maanta ah.

Covid-19 ayaa sanadkii lasoo dhaafay wuxuu kasoo bilowday magaalada bartamaha Shiinaha ku taala ee Wuhan, halkaasoo uu uga sii fiday caalamka iyaddoo China lagu dhaliilay qaabka ay u maareysay.

Wallow dowladuhu kala xirtaan xuduudaha, haddana fayruska wuxuu gaarey caalamka iyaddoo WHO ay Maaj ku sheegtay "safmareen".

Mareykanka ayaa laga diiwaan-geliyey dhimashadda ugu badan, 205,031, waxaase xiga wadamada Brazil, India, Mexico, iyo Ingiriiska.

Maadaama aan wali loo helin daawo ama talaal rasmi ah, jiritaanka xanuunka waxaa la saadaalinayaa in uu sii galaafan karo dadyow badan, waxaana wadamada lagu booriyey in ay mideeyaan ololahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM