Dagaal Cusub oo Ka Qarxay Xuduudda Hindiya iyo Pakistan

Image

Isku dhacyo xoogan ayaa dib uga soo cusboonaaday xuduudda u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan, gaar ahaan deegaannada ay maamulaan Hindiya ee Kashmir iyo magaalada Amritsar ee gobolka Punjab. Qaraxyo culus ayaa laga maqlay goobahaasi, iyadoo ciidamada milatariga Hindiya ay sheegeen in ay soo rideen diyaarado aan duuliyaha lahayn (drones) oo ay ku eedeeyeen Pakistan. Isku dhacyadan ayaa noqday kuwa ugu darnaa muddo ku dhow soddon sano.

Pakistan oo ka Jawaabaysa Weerarada Hindiya

Milatariga Pakistan ayaa si cad u sheegay in aysan jiri doonin wax heshiis nabadeed ilaa iyo inta Hindiya aysan ka bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan weeraradii ay qaaday Arbacadii lasoo dhaafay. Tani waxay muujineysaa in Pakistan aysan diyaar u aheyn tanaasul iyada oo weli ku adkeysaneysa iney qaadeyso talaabo  milatari.

Weerar Diyaarad Drone ah oo Shacab Ku Dhaawacmey

Wasaaradda Difaaca  Hindiya ayaa sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn oo hubeysan (armed drones) ay ku dhaawaceen dad rayid ah gudaha magaalada Ferozepur ee gobolka Punjab. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in 26 goobood oo ku yaala xuduudda iyo aagga Khadka   u dhaxeeya (Line of Control) Hindiya iyo Pakistan ay ku arkeen diyaaradahaas.

Goobaha ay wasaaraddu sheegtay in lagu arkay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxaa ka mid ah:

  • Baramulla
  • Srinagar
  • Avantipora
  • Nagrota
  • Jammu
  • Ferozepur
  • Pathankot
  • Fazilka
  • Lalgarh Jatta
  • Jaisalmer
  • Barmer
  • Bhuj
  • Kuarbet
  • Lakhi Nala

Feejignaanta Ciidamada iyo Digniin Dadweyne

Ciidamada Difaaca ee Hindiya ayaa sheegay inay ku jiraan heegan sare, iyagoo la socda dhamaan digniinaha ka imaanaya Pakistan.  Wasaaradda ayaa sheegtay in nidaamyada Raadarka ee ka hortagga diyaaradaha drones-ka ay si buuxda u shaqeynayaan.

Dadka ku nool aagagga xuduudda ayaa lagu wargeliyey inay guryahooda joogaan, ka fogaadaan dhaqdhaqaaqyada aan muhiimka ahayn, isla markaana raacaan tilmaamaha amni ee ay soo saareen hay’adaha deegaanka. 

Xaaladda oo Weli Cakiran

Dagaalkan cusub ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee u dhaxaysa labada dal ee hubka nukliyeerka leh. Milatariga Hindiya iyo Pakistan ayaa mar kale ku soo laabtay xaalad dagaal, iyadoo aan la saadaalin karin sida xaaladda ay isu bedeli doonto maalmaha soo socda.

Waxaa muuqata in labada dhinac midkoodna uusan diyaar u aheyn tanaasul, taasoo ka dhigeysa xaaladda mid ka sii dareysa  oo halis gelin karta nabadda gobolka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ayaa si dhow ula socota isbedelada dagaal ee ka taagan Koonfurta Aasiya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM