Dagaalka Hindiya iyo Pakistan oo Dib u Bilawday Markii la jebiyay Xabad-joojinta

Image

NEW DELHI – Hindiya iyo Pakistan ayaa Sabtidii shalay ku heshiiyay xabad joojin uu Maraykanku dhexdhexaadiyay, hase yeeshee dhowr saacadood kadib, Hindiya waxay ku eedeysay Pakistan inay jebisay heshiiskii xabbad joojinta.

Xaaladda Hadda sidee tahay?

Ka dib afar maalmood oo dagaal culus ah oo ka dhacay xadka Kashmir, labada dal waxay Sabtidii ku heshiiyeen xabbad joojin ay dhexdhexaadisay diblomaasiyad uu hoggaaminayay Maraykanku.

Xabbad joojinta waxay timid iyadoo cabsi laga qabo in xiisadda sii kororto oo ay dagaal ballaaran isu beddesho, iyadoo labada dalba ay yihiin kuwo leh awood nukliyeer.

Laakiin dhowr saacadood kadib, weerarro xabbad joojin jebin ah ayaa laga soo sheegay magaalooyinka waaweyn ee Kashmir-ta Hindiya, halkaas oo dagaalka ugu ba’an uu dhacay intii lagu guda jiray afartii maalmood ee la soo dhaafay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Vikram Misri, ayaa shir jaraa’id oo ka dhacay New Delhi ku sheegay in ciidamada Hindiya ay ka jawaabayaan jebinta xabbad joojinta ee Pakistan sameysay.

Maxaa Dagaalka Sababay?

Dagaalku wuxuu ka dhashay weerar dhimasho leh oo dhacay 22-kii Abriil, kaas oo lagu beegsaday dalxiisayaal Hindu ah oo ku sugnaa Kashmir-ta Hindiya, waxaana ku dhintay 26 qof.

Hindiya waxay eedeysay kooxo mintidiin ah oo saldhigyo ku leh Pakistan inay ka dambeeyeen weerarka, taasoo dhalisay in New Delhi ay duqeymo diyaaradeed ku qaaddo bartilmaameedyo ay ku sheegtay inay yihiin "xarumaha argagixisada" ee gudaha Pakistan.

Pakistan, oo diiday inay lug ku leedahay weerarka, waxay cambaareysay duqeymaha Hindiya, waxayna ballan qaaday inay ka aargoosan doonto.

Halkee Ayay Duqeymaha Hindiya Ku Dhaceen?

Hindiya waxay sheegtay inay weerartay sagaal xero oo ay ku tilmaantay "xerooyin argagixiso" oo ku yaalla Pakistan Arbacadii, kuwaas oo lagu sheegay in ay yihiin xarumo lagu tababaro dagaalyahannada, laguna diyaariyo weerarrada.

Pakistan waxay sheegtay in duqeymuhu ay ku dhaceen lix goobood oo ku yaalla dhulkeeda, balse aysan midna ahayn xero argagixiso.

Sidee Ayay Pakistan Uga Jawaabtay?

Markii hore, Pakistan waxay sheegtay inay soo ridday shan diyaaradood oo dagaal oo Hindiya leedahay, taas oo safaaradda Hindiya ee Beijing ku sheegtay "war been ah".

Pakistan waxay intaas ku dartay inay habeenkii dambe soo riday 25 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo Hindiya leedahay, qaar ka mid ahna ay dul mareen magaalooyinka waaweyn sida Karachi iyo Lahore.

Hindiya, dhankeeda, waxay sheegtay inay burburisay dadaallo ay Pakistan ku weerari lahayd bartilmaameedyo ciidan, taasoo ay ku jirto in la beegsaday nidaamyada difaaca cirka ee Pakistan.

Waa Maxay Aragtida Caalamka?

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa soo dhaweeyay xabbad joojinta u dhexeysa Hindiya iyo Pakistan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay dadaalkii Maraykanka mid guul ah oo uu ku gaaray "habeen dheer oo wadahadallo ah."

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas, waxay xabbad joojinta ku sheegtay "tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca de-escalation-ka", halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK David Lammy uu labada dhinac ugu baaqay inay ixtiraamaan heshiiska.

Maxaa Xiga?

In kasta oo xabbad joojin la gaaray, haddana xaaladda weli waa mid cakiran.

Heshiiskii biyaha ee Indus Waters Treaty, oo muhiim u ahaa wadaagga kheyraadka biyaha ee labada dal, ayaa weli hakad ku jira, sida ay sheegeen afar ilo dowladeed.

Sidoo kale, laba ilo dowladeed oo Hindi ah ayaa u sheegay Reuters in cunaqabateynaha kale ee labada dal isku rideen, sida hakinta ganacsiga iyo joojinta fiisayaashii, ay weli sii jiri doonaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo La Kulmay Hogaamiyeyaasha Falastiin, Zimbabwe iyo Burkina Faso

Heshiiska xabbad-joojinta ee Ukraine ayaa la doonayaa in uu joojiyo dagaalka ka soconaya bariga Ukraine tan iyo Febraayo 2022.

  • Caalamka

    11-05-2025

  • 10:28AM

Putin: Diyaar baan u ahay wadahadal toos ah oo shuruud la'aan ah inaan Ukraine la galo

Si kastaba, Putin ma uusan si toos ah uga jawaabin soo jeedinta xabbad-joojinta ee ugu dambeysay ee Sabtida.

  • Caalamka

    11-05-2025

  • 08:01AM